Waxaa maanta xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Xaflad uu xilka kula wareegayo R/Wasaaraha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kaddib markii shalay ay ansixiyeen Xildhibaanada Barlamaanka.
Ra’iisul wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed ayaa xilka ku wareejiyey RW cusub, iyadoo tani ay ka dhigan tahay in ra’iisul wasaare Sharma’arke uu si rasmi ah xilka howsha xukuumadda Soomaaliya ula wareegay.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay wasiiraddii hore oo weli xilalka sii haya, xildhibaannada baarlamaanka iyo marti-sharaf kale, iyadoo qaar ka mid ah wasiirradii hore ay sheegeen in xil wareejinta lagu soo wargeliyay saakay.
“Waxaa xilka lagu wareejinayaa maanta ra’iisul wasaaraha cusub, iyadoo nala soo wargeliyay saakay in xafladu ay dhacayso baqonimada maanta,” ayuu yiri mid ka mid ah wasiirradii hore oo HOL la hadlay.
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ra’iisul wasaaraha cusub Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale billowgii bishan kalsoonida kala laabtay ra’iisul wasaaraha xafiiska banneynaya C/weli Sheekh Axmed.
Xafladda ayaa lagu wadaa in ra’iisul wasaarihii hore iyo midka cusub ay ka jeediyaan khudbado kala duwan, iyadoo C/weli uu ka hadli doono sida ay wararku nagu soo gaarayaan waxqabadka xukuumaddii uu horkacayay oo shaqeysay muddo hal sano ah.
R/Wasaare Cumar C/rashiid ayaa shalay khudbad uu ka jeediyay shalay kulankii ay xildhibaannadu ku ansixiyeen ku sheegay in xukuumadda uu soo dhisi doono ay xoogga saari doonto arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii lagu heli lahaa siyaasad xasilloon oo madaxda dalka ay kuwada wada-shaqeyn karaan iyo amniga dalka oo la adkeeyo.
Si kastaba ha ahaatee, Sharma’arke ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii 3-aad ee uu soo magacaabo madaxweynaha Soomaaliya tan iyo markii xilka loo doortay dhamamadkii sannadkii 2012-kii, iyadoo labadii ra’iisul wasaare ee ka horreyay ay madaxweynaha ku kala tageen khilaaf soo kala dhex-galay.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.