Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo maanta weerar ku qaaday xerada Xalane oo saldhig u ah ciidamada AMISOM.

Ciidamada Amisom.jpg3Koox ka tirsan dagaalyahano Xarakada Al-shabaab ayaa waxay maanta weerar ku qaaday xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Amisom ee ku sugnaa xerada Xalane ayaa ka hortagay weerar Argagaxisada Al Shabaab ay ku soo qaadeen xeradaasi, iyadoo lagu laayay dhagar qabayaashii weerarka soo qaaday halka qaarkoodna lagu qabtay nolosha kuwaasi oo hadda gacanta lagu hayo.

Weerarkaasi oo Ciidamada Amisom ka hortagay ayaa waxa uu ku bilowday Gaari nooha ah oo isku qarxiyay albaabka dhanka Madiina ee xerada Xalane, waxaana intaasi kaddib ay isku dayeen maleeshiyaadkaasi la marin habaabiyay in gudaha xerada ay galaan laakiin waa la fashiliyay weerarkaasi ay ka hortageen ciidamada Amisom.

Ciidamada ayaa toogtay 10 ruux oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii weerarkaasi argagaxisada Al Shabaab ku hungoobay halka 2 ruux oo ka mid ahaa falaagadaasi gacanta lagu dhigay oo hadda gacanta lagu hayo, waxaana wadarta guud ee weerarka soo qaaday ay ahaayeen 12 ruux.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Cali Aadan Xumad oo la hadlay Radio Muqdisho iyo VOA-da ayaa xaqiijiyay in ay dileen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday 2 ka mid ahna ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadkaasi iyagoo nool, waxaana uu sheegay in ay dhinteen 5 ka mid ah askarta Amisom, waxaana uu intaa ku daray in goor dhow arrinkaasi ay war ka soo saari doonaan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in weerarka ugu yaraan 6 qof oo ay ku jiraan xubnihii weerarka soo qaadey iyo askar AMISOM ka tirsanaa ku dhinteen.

Dhanka kale af-hayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay weerarkan fuliyeen dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab laguna soo beegay xilli xerada gudaheeda ay ka socotey munaasabada ciida Kirismaska.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dagaalyahanada Al-shabaab ku guuleysteen inay xerada gudaha u galaan islamarkaana dileen tiro uusan cayimin oo askar ah, qaar kalena dhaawacyo culus kasoo gaareen.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: