R/wasaaraha magacaaban Cumar C/rashiid ayaa saaka hor tagay Baarlamanka si uu mudanayaasha u weydiisto codka kalsoonida, islamarkaana uu ka jeediyo khudbad ku saabsan barnaamijyadiisa siyaasadeed, isagoo codka kalsoonida weydiistay mudanayaasha baarlamanka.
Xaaladda Ammaanka baarlamanka ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana ciidamo farabadan lagu soo daadiday waddooyinka mara nawaaxiga xarunta goloha shacabka ee magaalada Muqdisho.
R/wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo gaar gaar ah la qaadanayay Xildhibaanada, si codka kalsoonida uu u helo, waxaana hadii codka kalsoonida la siiyo la filayaa inuu soo dhiso Xukuumad cusub.
Fadhiga Barlamaanka ee maanta ayaa waxaa lagu ballansanaa in Ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu Barlamaanka weydiisto in ay codka kalsoonida ah siiyaan waxaana kulanka Barlamaanka goobjoog ka ahaa Madaxweynha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib khudbad ay kulanka Barlamaanka ay ka jeediyeen Madaxweyne Xasan Sheekh.
Kadib waxaa la gudagalay in Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ay codka kalsoonida ah loo qaado kaas oo ahaa cod gacan taag ah waxaana cod aqlabiyad leh ku meelmariyay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid 218 Xildhibaan oo siisay codka kalsoonida ah, Markii uu helay codka kalsoomida ah kadib ayaa Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid lagu dhaariyay gooobta.
SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.