Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo khudbad ka jeediyay kulankii baarlamanka ay kalsoonida lagu siiyay ra’iisul waasare, Cumar C/rshiid Cali ayaa sheegay in isaga iyo ra’iisul wasaaraha ay si mideysan uga wada-shaqeynayaan danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku sheegay in xukuumadda uu ra’iisul wasaaraha Somalia soo dhisi doono ay noqon doonto mid ay ku mideysan yihiin intii suuro-gal ah dhammaan xoogagga siyaasadeed ee dalka ka jira.
“Ra’isul wasaaraha cusub halkan wuxuu ka sheegay ballanqaad aan anigana doonayo inaan kusii adkeeyo… kaasoo ah inuu badiyo wadatashiga uu kusoo dhisayo xukuumaddiisa. Inkastoo aan ogahay in waqtigu yar yahay saacad walbana ay qiimo weyn noogu fadhido,” ayuu madaxweyne Xasan ku yiri khudbaddiisa.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ra’iisul wasaaraha cusub inay noqoto xukuumadda uu soo dhisayo mid ay ka muuqdaan dhammaan dadka Soomaaliyeed, sida aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta.
“Dhammaanteen waxaan wax ku nahay waa wada-tashiga, waxaana anigu ku talinayaa in cid walba tix-gelinteeda la siiyo. Dadka xukuumadda ka mid noqota waa in lala shaqeeyo, qofkii laga tagayna yuusan u arag in la neceb-yahay ee tiro uun baa ka mid noqon doonta xukuumadda la dhisyo,” ayuu ku daray hadalkiisa madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale kula dardaarmay xildhibannada inay kuwo mideysan noqdaan si dalka iyo dadka Soomaaliyeed horumar loo gaarsiiyo; isagoo xusay in haddii aysan si wadajir u wada-shaqeyn aysan howsha hor-taalla ku guuleysan doonin, cid walba oo guuleysatana aanay iman doonin.
Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa bulshada Soomaaliyeed u ballan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhisi doono xukuumad dhameystiran si loo gudo-galo howlaha waa-weyn ee wax ka qabadka u baahan.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.