Safiirka Dowladda Switzerland ugu wakiilka ah Soomaaliya oo maanta Booqasho ku tegay magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Safiirka Switzerland.jpg3Mr. Dominik Langenbacher oo ah Safiirka dowladda Switzerland u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa wuxuu maanta booqasho aan la sii shaacin maanta ku tegay magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka iyo saraakiil kale oo amniga qaabilsan ayaa ku soo dhaweeyay safiirka dowladda Switzeland garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe,iyadoo la arkayay ciidamo amnigiisa si gaar ah u ilaalinaya.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali ayaa safiirka ku qaabilay madaxtooyada, waxaana la sheegay in ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ku aadan sidii dowladda Switzerland ay Puntland uga hirgalin lahayd mashaariic horumarineed.

“Kulankan waxaa uu ahaa mid caadi ah ,madaxaweynaha iyo safiirka si gaar ah ayey uga wada hadleen ahmiyadda ay leedahay in Puntland ay hesho fursado ay ka faa’idaysan karaan shacabka iyo dowladdaba “ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Garoowe.

Mr. Dominik Langenbacher oo hadal kooban isna siiyay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan-yahay booqashada uu gobolka ku soo gaaray, isagoo u mahad-celiyay madaxweynaha iyo laamaha maamulka ka dib soo dhaweyntiisa.

Ugu danbayntii madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali oo kasoo laabtay dhawaan safar uu ku tagay Itoobiya ayaa ugu baaqay dowladaha deeqaha bixiya in ay taageeraan maamulkisa ,isla markaana ay ku dhiira-daaan maalgashiyo ganacsi oo gobolka laga hirgaliyo.

SomaliSwiss        Garoowe
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: