Guddoonka baarlamanka Soomaaliya oo ka dalbaday R/Wasaare Sharma’arke inuu berri Horyimaado Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka BarlamaankaGuddoonka baarlamanka Soomaaliya iyo guddiyada joogtada ah ayaa maanta waxay Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaana kulankooda lagu go’aamiyay in berri oo Arbaco ah uu baarlamaanka horyimaado ra’iisul wasaaraha magaacaban, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo bartamihii bishan xilka loo magacaabay. VIDEO

Guddoonka Barlamaanka.jpg1

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaahir) ayaa ujeeddada kulanka ku sheegay sidii loo waqtiyeyn lahaa xilliga sida rasmiga ah loo hor-imaanayo RW Sharma’arke baarlamaanka, isagoo xusay inay isla garteen in berri oo Arbaco ah ay noqoto inuu horyimaado baarlamaanka.

Xoghayaha baarlamaanka, C/kariim Xaaji Cabdi Buux oo warbaahinta kula hadlay xarunta Villa Hargeysa, kulanka kaddib ayaa sheegay inuu maalinta berri ah hor-imaanayo golaha baarlamaanka Soomaaliya ra’iisul wasaaraha magaacaban, taas oo uu ku sheegay mid uu kalsoonida ku weydiisanayo xildhibaannada.

“Berri oo Arbaco ah ayaa la go’aamiyay inuu baarlamaanka hor-yimaado ra’iisul wasaare Sharma’arke si codka kalsoonida ah ay xildhibaannadu ugu qaadaan,” ayuu yiri Buux oo la hadlayay warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa dhowrkii casho ee lasoo dhaafay wuxuu kulammo la lahaa xildhibaannada baarlamaanka, si codka kalsoonida uu uga helo, waxaana haddii uu kalsooni helo uu soo dhisi doonaa xukuumaddiisa.

Sidoo kale, Sharma’arke ayaa kulanka baarlamaanka eeb erri lagu wadaa in uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo waxqabadka xukuumadda uu soo dhisi doono, taasoo bedelaysa xukuumaddii hore oo weli howsha sii wadda.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaasoo ku aaddan go’aanka guddoonka baarlamanka ee ah inuu berri horyimaado si codka kalsoonida loogu qaado.

SoamaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: