Waxaa xalay si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey Majidka Zaa’id ee ku yaala magaalada Zürich Muxaadaro Silsilad ah oo ka socotay maalmihii Sabtida iyo Axada ahayd, oo ku beegneyd 20.12/21.12.2014. KA DAAWO SAWIRRO KALE.
Muxaadaradan ayaa waxaa soo jeedinayey Culumada Kala ah: Sheikh Cismaan Faarax Cali iyo Sheikh Cismaan X. Yuusuf “Usuuli“oo labaduba ka yimaadeen dalka Ingiriiska (UK) iyo Sheikh C/salaam Abdullaahi “Shiino“ oo isna ka yimid dalka Sweden, dhammaantood waxaa Martigeliyey Soomaalida ku nool Gobolka Zürich ee dalka Switzerland.
Culumadan ayaa waxay si faahfaahsan uga Hadleen Muxaadarooyinkii oo ahaa mowduucyo Diini ah oo dhinacyo kale duwan taabanaya, duruustaas oo si wanaagsan uga bogsadeen ama u fahmeen Somaalida ku dhaqan dalkan Switzerland, gaar ahaan Soomaalida ku nool magaalada Zürich.
Mowduucyadii Muxaadara taxanaha ahayd ayaa waxaa loogu talagalay guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Dhallinyarada (Wiil & Gabadh) iyo Waaladiinta (Ragga iyo Haweenba leh).
Duruustii la qaatay maalmahan ayaa waxaa ka mid ahaa Walaaltinnimada, ku dhaqanka Diinta, Maalka Xaaraanta ah iyo kann Xalaasha ah, Barbaarinta Caruurta, Ku sugnaanshaha Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Qoyska Muslimka ah.
Sidoo kale Duruustii ay Culumadaas bixiyeen ayaa Soomaalida ku nool Kanton Zürich si fiican uga faa’ideystay, waayo Culimadu waxay si aad ah u qaadaa-dhigeen oo si waafi ah uga hadleen qodobo la xiriira nolosho qurbaha, gaar ahaan dhibaatooyinka haysta dadka Muslimka ee ku nool wadamada Gaalada ku badan tahay ee loo soo haajiray.
Culimadan ayaa waxay ka xadleen xaaladda ay ku sugan yihiin Muslamiinta Soomaaliya, sidaas darted waxay Soomaalida Zürich ka wacyi geliyeen inay u midoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen dhibka ku weegaran ka jira qurbaha.
Si kasta ha ahaatee waxaa xalay Culumadu ku soo gabagabeeyeen muxaadaro ku saabsaneed Dhaqanka wanaagsan ee Qoyska Muslimka ah, waxayna ka soo qayb galayaasha ku baraarujiyey in qof kasta oo Rag iyo Dumar ah ALLE hortiis lagula xisaabtamayo sida uu kula dhaqmo Xaaskiisa/Ninkeeda iyo Caruurtooda.
Intaas kadib dadkii ka soo qayb galay ayaa waxaa loo furay inay Culimadu ay su’aalo weydiinsan karaan, waxaana halkaas la keenay Su’aalo qoraal ah oo badidooda la xiriirtay Duruustii Muxaadarada ee halkaas ay ka bixiyeen Culumadu, ha yeeshee Su’aalihii waa laga wada jawaabaabay.
Ugu danbeytii waxaa gabagabadii Xiritaanka kulanka ka hadlay Maamulaha Masjidka Sheikh Zaa’id, Sheikh Sacad Suuban iyo Sheikh Yaxya, waxayna u mahadceliyeen Culumadii Muxaadarada bixisay, Soomaalidii ka timid Gobollada kale ee dalkan Switzerland iyo kuwii loo soo martiyey ee ku nool Gobolkan Zürich.
Si kasta ha ahaatee Nadwadan ayaa ahayd mid lagu guuleystay si aad ahna loogu faa’ideystay, waxaana kulankaas loogu duceeyey dhammaan dadkii soo codsaday in si gaar ah loo duceeyo iyo duco guud oo loo jeediyey Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed meel kasta ay ku sugan yihiin iyo Islaamka intuba.
SomaliSwiss         Zürich
Dr. A. Dhicisow
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.