Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wadahadallo kula yeeshay dalka Jabuuti madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabto in 2015-ka horumar wanaagsan laga gaaro wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.
Mudane Xasan Sheekh wuxuu intaas ku daray in Bisha Feberaayo 2015-ka dib loogu laaban doono magaalada Istanbul, si wadahadalladii hore loo billaabo, isagoo xusay in tani ay tahay horumar weyn oo ay isla garteen isaga iyo Siilaanyo.
Sidoo kale, Madaxweynaha xusay in Soomaaliya ay dhismayso horumarro bandanna la gaaray, isla markaana 2015-ka uu rajeynaayo in la arko dalka Soomaaliya oo dib u midoobay.
“Heshiiska waxaa ka mid ahaa in wadahadallada halkoodii laga sii wado oo dib loogu laabto Istanbuul sannadka 2015-ka, waxaa rajeyneynaa inuu noqdo sannadkaas horumar badan laga sameeyo arrinta midnimada dalka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay inay muhiim tahay in arrinta masiiriga ah laga wadahadlo, isla markaana ay kasoo baxdo marka la wada fariisto natiijo wanaagsan.
Si kastaba ha ahaatee, wadahadallada Somalia iyo Somaliland oo 2012-kii soo billowday ayaa waqti dheer qaatay, iyadoo aan illaa hadda horumar la gaaban karo laga gaarin.
SimaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.