Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo sheegay in 2015-ka soo socda Afti loo qaadayo dastuurka Soomaaliya

Nicholas Kay.jpg1Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in sannadka soo socda ee 2015-ka afrti dadweyne loo qaadayo dastuurka Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid sahli karta in dalka doorasho ay ka dhacdo sannadka 2016-ka.

Danjire Kay oo ka hadlayay waxqabadka xafiiska UNSOM ee Somalia halkiisa sano ee la soo dhaafay ayaa intaas ku daray in sannadkii lasoo dhaafay ay Soomaaliya horumarro ka sameysay dhinacyada amniga iyo siyaasada, iyadoo taageero ka heleysa AMISOM iyo Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Kay ayaa xusay in shaqaalaha QM ee ka howlgala Somalia ay gaarayaan 300 gaareen, kuwaasoo si joogto ah howlaha QM uga wada gudaha Soomaaliya, inkastoo uu sheegeay inay caqabado jiraan, dhanka kalena ay ciidammo gaar ah ilaaliyaan hay’aadaha Qaramada Midoobay ee Somalia ku sugan.

Mar uu ka hadlayay nidaamka federaalka iyo maamul goboleedyada ayuu sheegay inay tahay mid rajo gelineysa sidii doorasho uga dhici laheyd Somalia 2016-ka, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu arko horumarada laga gaaray Somalia sannadkii lasoo dhaafay.

Danjiraha ayaa intaas ku daray in Qaramada Midoobey ay doorka ugu weyn ka ciyaareyso taageerada Soomaaliya, Midowga Afrika iyo IGAD ay iyaguna si dhow ula shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya.
Geesta kale, Kay wuxuu xusay inay kala duwan yihiin aragtiyada Somalia ee federaalka, iyadoo qaar ka mid ah maamullada ay diiddan yihiin halka kuwo kalena ay taageersan yihiin, isagoo tusaale u soo qaatay Somaliland oo uu sheegay in wali dhibaato ay ka jirto in la helo Soomaali mid ah.
“Markaan eegno Somaliland 1991-kii ayay ku dhawaaqday inay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse wali looma aqoonsan sidii dal madax-banaan, taasna dhibaato gaar ah ayay ku tahay,” ayuu yiri danjire Kay.
Ugu dambeyn, ergaygu QM ee Somalia wuxuu sheegay inay sii wadayaan taageerada ay Somalia siiyaan, si ay horumar u gaaraan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: