Masjidka Turkiga mgaaalada Zürich ee dalkan Switzerland oo shalay galab lagu qabtay Muxaadaro loogu hadleyey Walaaltannimada.

Muxaadaro.jpg12Waxaa Shalay galab lagu qabtay Masjidka Turkiga ee magaalada Zürich ee dalka Switzerland Muxaadaro Cinwaankeeda uu ahaa Walaaltinnimada Islaamka, waxaana Muxaadaradaas bixinayey Sheekh Cismaan Cali oo ka yimid dalka UK, waxaana martigeliyey qaar ka mid ah Culamada iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Gobolkan Zürich. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE.
Muxaadaro.jpg13Sh.Cismaan Cali ayaa si aad ah uga dheer fasiraada Micnaha Walaaltannimada, wuxuu sheegay in Soomaalidu ay Walaaltannimada ay u yiqaanaan aadna isaga xilqaamaan oo keliya qaybaha hoos ku xusan:
– Dhiig-wadaag
– Dheef-Wadaag
– Ood-Wadaag
– Dhaqan-wadaag
Muxaadaro.jpg14Balse Sh. Cismaan wuxuu Soomaalidii ka soo qayb-gashay Muxaadaradaas u caddeeyey in qodobbadaas oo dhan ka wanaagsan in Walaaloobo Diinta Islaam oo ah Diinta Xaqqa ah oo Alle iyo Rasuulkiisa ay Raalli ka yahay in lagu dhaqmo, sida Kitaab Qur’aanka kariimka ku cad:
“Mu’miniintu waa uun walaala, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebana ka dhawrsada, waxaad u dhawdihiin inuu idiin naxariistee“.

Muxaadaro.jpg9Muxaadaro.jpg15Muxaadaro.jpg7

http://C:\Users\Win7\Documents

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: