Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wada casumay si ay u kulmaan Madaxweyne dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo kann Maamulka Somaliland. Axmed Maxamed Siilaanyo.
Labada wafdi ayaa waxay kala hoggaaminayeen laba wafdi ka kala socday labada dhinac waxaana lagu soo warramayaa in labada wafdi uu Madaxweynaha Jabuuti uu kulan qada ah wada-qaateen, iyadoo intaas kaddib bilaabay kulammo gaar ah oo aanay saxaafaddu goob-joog ka ahayn.
Madaxweyne Geelle ayaa kulan gaar ah u qabtay labadda madaxweyne, isla markaana u furay, isagoo furitaanka kaddibna isaga soo baxay kulanka ay Xasan Sheekh iyo Siilaanyo si ay hawlahoodda ugu madax-banaanadaan.
Hase yeeshee, kulamadan ayay warararku sheegayaan in saxaafaddu ay ka ahayd dibad-joog, iyadoo loo diiday inay galaan qolka uu shiku ka socday, iyadoo labada madaxweyne ay si fool-ka-fool ah u wada-hadlayeen.
Ilaa hadda ma jirto cid la hadashay warbaahinta, balse waxaa la filayaa inay kulammada kaddib soo saaraan war-murtiyeed ay ku faah-faahinayan waxyaabihii ay kulammadooda uga wada-hadleen.
SomaliSwiss         Jabuuti
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.