Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo maanta u dabaal-degay Sanad-guuradii 71aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay.

Aas-aaska Booliiska.jpg1Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa maanta oo ay ku beegan tahay bisha December 20, waxay magaalada Muqdisho ku xuseen 71-sano guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay oo ku beegnayd sannadkii 1943-kii.
Dabaal-deggan ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweyaha Somalia, Xasan Sheekh iyo saraakiil kale.

Aas-aaska Booliiska.jpg2

Iyadoo goobta uu dabaal-daggu ka dhacayay ayay marayeen ciidammo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasoo qaar ka mid ah ay goobta ku soo bandhigeen gaaddo-ka-ciyaar.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa ciidamada booliiska ku ammaanay kaalinta ay ka qaateen sugidda amniga guud ee caasimadda iyo kan dalka qaybo ka mid ah, isagoo ku boorriyay inay howshooda intaas kasii xoojiyaan.

Aas-aaska BooliiskaCiidamada booliiska Somalia ayaa waxay hadda u muuqdaan kuwo dib uga soo kabanaya colaadihii dalka soo maray, iyagoo qayb ka noqday dhamaan hay’adihii dalka ee ku bur-buray dagaalladii sokeeye.

Saraakiisha ciidamada booliiska qaarkood oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in ciidamada booliiska Somalia ay dib u soo kabanayaan ayna diyaar u yihiin inay amniga dalkooda xoojiyaan.

Aas-aaska Booliiska.jpg3Aas-aaska Booliiska.jpg4SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: