R/Wasaare Cumar C/rashiid oo maanta la kulmay qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka.

R,Soomaaliya.jpg3Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta kulammo la qaatay safiirrada Somalia u jooga dallaka Jabuuti, Turkiga iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia. Kulamadan ayaa isugu jiray salaan, hambalyo iyo is-barasho. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Danjirayaashan ayaa soo gaarsiiyay RW Sharma’arke hambalyo ay uga sideen madaxda dalalkooda iyo xoghayha guud ee QM, waxayna ballan-qaadeen in ay sii xoojin doonaan xiriirkii ka dhaxeeya dalalkooda iyo dowladda Somalia.

R,SoomaaliyaSidoo kale, kulamadan ayaa la isku-dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda dalka iyo sidii xukuumadda uu soo dhisi doono ay wada-shaqayn u dhexmari lahayd, isla markaana horay loogu sii wadi lahaa horumarka ay sannadihii u dambeeyay ee ay Somalia ku tallaabsatay; iyadoo danjirayaashu ay si weyn u soo dhaweeyeen magacaabista ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.

R,Soomaaliya.jpg1Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia ayaa uga mahad-celiyay wakiilladii uu la kulmay dhambaallada ay soo gaarsiiyeen iyo taageerada ay la garab-taagan yihiin dalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in xukuumadda uu soo dhisi doonana ay sii xoojinayso cilaaqaadka kala dhexeeya caalamka.

Ma ahan markii ugu horreysya oo uu Cumar C/rashiid kulan la qaato wakiillo caalamka u jooga Soomaaliya, isagoo Khamiistii shalay kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maman S. Sidikou.

R,Soomaaliya.jpg2SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: