Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqday Kismaayo ayaa shalay ku dhawaaqay in dhammaan maamulada Dalka ka jira ay yihiin Ku-meel gaaro (KMG), hoggaamiye kastana loogu yeerayo Madaxweyne, sida maamulka KMG-ka ah ee Jubba wixii hadda laga billaabo la oran karin hoggaamiye, balse loogu yeerayo Madaxweyne.
Mudane Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in heshiiskii horay dowladda iyo Jubba ay u wada galeen qodobbo ka mid ah wax laga bedelay, wuxuuna xusay in dowladda iyo maamulka Jubba uu xiriir wanaagsan iyo wada-shaqeyni ka dhexeyso.
“Maamullada KMG-ka ah ee dalka ka jira Jubbaland way ka mid tahay, waa maamul meel-ku-gaar ah, maadaama heshiiskii Jubbaland lagu aasaasay uu ahaa heshiis dowladda iyo maamulka ay wada-galeen, maanta marxaladihii hore waa ka soo gudbay, sidaas daraadeed magacii hoggaamiyaha ee aan heshiiska ku wada galnay… waa la bedelay… waxaana loogu yeerayaa wixii hadda ka dambeeya madaxweyne,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa sheegay in wixii ka dhiman maamulka Jubbaland la dhameystiri doono, isla markaana wixii ka dhiman ay wadatashi ku jiraan, ayna ku ballameen dhameystirkiisa.
Hadalka madaxweynaha ee ah in Sheekh Axmed Madoobe loogu yeero wixii hadda ka dambeeya madaxweyne ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu ku dhawaqo Xasan Sheekh, iyadoo aan la ogeyn qaabka xubnaha kale ay u fasiran doonaan.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Somalia iyo maamulka KMG ah ee Jubba ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya dhammaadkii sannadkii 2013-kii.
SomaliSwiss Kismaayo
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.