Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan Kismaayo, si uu u sagootiyo ciidamada dalka Sierra Leone ka socda ee qaybta ka ah AMISOM oo dalka ka baxaya.
Wariyaha HOL ee Jubbooyinka, Xasan Nuur ayaa soo sheegaya in hordhaca wafdiga ay gaareen Kismaayo, kuwaasoo ay ka mid yihiin ilaalada gaarka ah ee madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay weliyaan sii-hayaha xilka wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane iyo xildhibaanno.
Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu salaam sharaf ka qaato ciidamada dalka Sierra Leone, isla markaana uu u jeediyo khudbad sagootin ah, iyadoo la sheegayo in ciidamadaas lagu bedeli doono kuwo ka socda Itoobiya.
Ciidamada Sierra Leone ee maanta baxaya ayaa muddo sannado ah dalka ku sugnaa, iyadoo aan wax bedel ah lagu sameyn, maadaama uu dalkoodu ka jiro cudurka halista ah ee Ebola oo kumannaan qof ku dilay dalalka ku yaalla Galbeedka Afrika.
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in ciidammo ka socda dalka Sierra Leone aysan imaan karin Soomaaliya, taasoo ay sabab uga dhigeen si looga hortago in cudurka Ebola uu soo gaaro Soomaaliya.
Bilihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidammo ka tirsan kuwa Sierra Leone oo la doonayay in lagu bedelo kuwa maanta baxaya laga helay mid ka mid ah cudurka Ebola, taasoo keentay in la joojiyo imaatinkoodii Somalia.
Waa markii ugu horreysay oo ciidammo ka tirsan AMISOM ay Somalia isaga baxaan, iyadoo aanay weli mas’uuliyiinta dowladda ka hadlin sababta bixidda ciidamada ka socda dalka Sierra Leone ay ka baxayaan Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaateen, ciidamadan aya waxay ka howlgalayeen labadii sano ee ugu dambeysay gobollada Jubbooyinka, iyagoo dagaallo culus la galay xoogag ka tirsan Al-shabaab.
SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.