Siihayaha Wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ka hadlay Maamulidda hawada Soomaaliya.

W. Gaadiidka iyo Duulista.jpg5Mudane Saciid Jaamac Cali Qoorsheel oo ah Siihayaha Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay heshiis buuxo la gaartay madaxda Hay’ada Duulimaadyada Rayidka iyo Saadaasha Hawada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (ICAO) oo fadhigooduyahay magaalada Montreal ee dalka Canada, kaasi oo ku saabsan Maamulidda hawada Soomaaliya.

Siihayaha Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Mudane Saciid Qorsheel oo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen xubno ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista

Hawada Soomaaliya ayaa sheegay in shir uu la qaatay madaxda Hay’adda ICAO ay guul ku soo dhamaatay.
Mudane Saciid Qorshee oo safarkiisa ka hadlayey wuxuu yiri: l“Dhawaan safar shaqo ayaan ku tegnay magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaasi oo ah goobta laga maamulo hay’adda ICAO.

Siihayuhu wuxuu in muddo ah dadaal ku bixinayey sidii maamulidda hawada Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa Dowladda Soomaaliya, 4-ta bishan December ayay ahayd markii aan soo afjarnay heshiiska ah in maamulidda hawada Soomaaliya lagu soo wareejiyo, Taawarka ayaa hadda meel gabo gabo ah maraya, waxaana rajeyneynaa in shaqaale Soomaaliyeed oo aqoon u leh ay howshaasi la wareegaan” .

SomaliSwiss     Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: