Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo xalay kulan saacado qaatay la yeeshay Cumar C/rashiid.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.jpg6Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa xalay kulan saacado qaatay la yeeshay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ah ruuxa loo badinayo inuu noqdo ra’iisul wasaarihii bedeli lahaa C/weli Sheekh Axmed.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabbadu u xirnaayeen ayay labada mas’uul ku kala warqaateen, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu si gaar ah ugala hadlay Sharma’arke xukuumadda lasoo dhisayo, howlaha horyaalla iyo magacaabista golaha wasiirrada xukuumada cusub.

Ilo wareedyo ku dhow madaxweynaha xaqiijinaya in laga yaabo in Xasan Sheekh uu xilka u magacaabo Cumar C/rashiid, inkastoo aanu weli go’aan rasmi ah qaadan madaxweynaha Soomaaliya oo laga sugayo inuu ra’iisul wasaarihii bedeli lahaa ra’iisul waasarihii hore soo magacaabo.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in kulanka xalay ay qayb ka ahaayeen saaxiibbada aadka ugu dhow madaxweynaha, kuwaasoo aan magac ahaan loo xusin; iyadoo la sheegayo in dhammaan waxyaabihii laga hadlay ay isku afgarteen madaxweynaha iyo Sharma’arke.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa weli ku gudo jira soo xulista ra’iisul wasaarihii saddexaad ee uu magacaabo tan iyo markii xilka loo doortay oo ahayd dhamaadkii 2012-kii, markaasoo xildhibaannada baarlamaanka ay cod aqlabiyad ah ku doorteen.

Inkastoo aan la hubin haddana wararka ayaa sheegaya in labada mas’uul ay si gaar ah uga hadleen soo xulista golaha wasiirrada cusub, haddii xilka loo magacaabo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Mudane Cumar C/ rashiid Sharma’arke ayaa ah danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka, iyadoo wararka inta badan ay sheegayaan in loo magacaabi doono ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo la xusuusto inuu horay ra’iisul wasaare u soo noqday.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: