Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, kaddib markii lixdii bishan ay baarlamaanka codka kalsoonida ah kala laabteen xukuumaddii Ra’iiusul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. SAWIRRO
Munaasabad lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kale ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Ra’iisul wasaaraha dalka u magacaabay mudane Cumar Cabdirashiid Cali.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Ra’iisul wasaaraha cusub in uu ka soo dhalaalo howlaha Qaran ee loo igmaday, isla markaana uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka gaarsiisa hiigsiga sanadka 2016-ka.
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha xilkan adag ee uu u magacaabay, waxaana uu balan qaaday in uu wax badan qaban doono, isla markaana uu dalka gaarsiin doono inay ka dhacdo doorasho xor ah, marka la gaaro sanadka 2016-ka.
Ra’isul wasaaraha cusub oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha iyo howlaha uu doonayo in uu u qabto.
Ra’isul wasaare Cumar Cabdarashiid Cali ayaa waxa uu sheegay sida ugu dhaqsiyaha badan uu u sii dhisi doono Xukuumad tayo leh oo uu kala tashanayo madaxweynaha, Guddoonka Baarlamaanka, iyo Xildhibaannada Xukuumadaasi oo uu tilmaamay in dalka ay ka samata bixin doonto dhibaatada uu ku jiro, wuxuuna rajo wanaagsan uu ka muujiyay in Xukuumadaasi ay la imaan doonto Waxqabad buuxa oo dadka ay mahdiyaan.
Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa uu xusay in uu sii wadi doono horumarka Dowladda ay ku tilaabsatay waxa dhiman uu qaban doono oo ay ka mid tahay hiigsiga 2016 oo la doonayo in doorasho xor ah ay ka dhacdo dalka.
Ra’isul wasaaraha la magacaabay ayaa waxa uu tilmaamay in uu wax ka qaban doono arrima la xiriira horumarinta dalka sida sugida ammaanka, iyo gaarsiinta dalka Dowladnimada taa oo uu tilmaamay in ay tahay mida lagu xoojin karo Dowladnimada.
Ra’isul wasaaraha cusub oo 54 jir ah ayaa dhashay 19, June , 1960,w uxuuna cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha ka bartay jaamacadda Carleton ee magaalada Ottawa waxaana 13-kii February sanadkii 2009-ka loo magacaabay in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha dowladdii KMG eheyd.
SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.