Shir looga hadlayay arrimo la xiriira ammaanka magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlayay arrimo la xiriira dar-dar galinta howlaha amni sugida iyo howlgaladii maal mihii la soo dhaafay hey’adaha Ammaanka ay ka wadeen dalka iyo natiijooyinkii laga gaaray.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa goobtaas ku sugnaa Taliyaha hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda, iyo saraakiil ka socotay ciidamada Amisom, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, iyadoo shirkaasi uu ka dhacay Xarunta hey’adda Nabad sugida Qaranka.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray xoojinta amniga dalka iyo dar dargalinta howlgalada lagu baacsanayo firxadka maleeshiyaadka argagaxisada Al Shabaab oo waayihii ugu dambeeyay la kulmayay dharbaaxooyin kulul oo kaga imaanayay ciidamada qalabka, waxaana wasiiradii ka qeyb galay ay bogaadiyeen howlgaladaasi.
Gen Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare (Cumda) oo ah Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa uu soo dhaweeyay Bogaadinta Wasiirada ee Howgalada ay Ciidamada Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ay ka wadaan Magaalada Muqdisho ,waxaana uu balan qaaday in ay sii socon doonaan inta amaanka bulshada laga Xaqijinayo sida Warbaahinta Qaranka uu u sheegay Afhayeenka Hey’adaha Ammaanka Dalka Maxamed Yuusuf Cusmaan.
SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.