Waxaa maanta barqadnimadii soo gaaray magaalada Muqdisho Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaa’arke oo lagu wado in loo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia, warkan ayaa maamahanba mala’awaalayey Warbaahinta ka howlgala magaalada Muqdisho.Mudane Sharma’arke oo weli haya xilka dajiraha Soomaaliya ee Mareykanka ayaa kasoo dhoofay magaalada Naiorbi oo ay diyaarad qaas ah keentay xalay, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho kaga hortagay mas’uuliyiiin iyo siyaasiyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Mas’uulkan ayaa lagu wadaa in xilka ra’iisul wasaaraha loo magacaabo waxaana la sheegay in la dajiyo Hoteel ka mid ah kuwa Muqdisho, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono taageerayaashiisa.
Danjiraha ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaanay jirin wax war ah oo uu safarkiisa ka siiyay warbaahinta, balse waxaa lagu wadaa inuu warbaahinta la hadlayo maalmaha soo socda.
Mudane Cumar ayaa aabbihii C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka mid ahaa ra’iisul wasaarayaashii uug horreeyay ee soo maray Soomaaliya markii ay xorriyadda qaadatay, isagoo 1967-kii noqday madaxweynihii Soomaaliya, inkastoo lagu dilay gobolka Sool sannadkii 1969-kii.
Sidoo kale, Sharma’arke ayaa ku dhashay Muqdisho sanadkii 1960-kii, wuxuuna isla Muqdisho ku qaatay waxbarashadiisii hoose illaa tiisii jaamacadeed, isagoo sannadihii 2009-kii iyo 2010-kii noqday ra’iisul wasaarihii dowladdii KMG-ka ahayd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.