Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Safiirnimo Safiirka cusub ee dalka Shiinaha.

Safiirka Shiinaha.JPG1Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Safiirnimo mudane, warsame Geel-jire oo ah Safiirka cusub ee dalka Shiinaha uga Wakiil noqonaayo.

Kulan uu madaxweynuhu la qaatay wafdiga ayaa waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweynaha iyo Safiirku waxay isla garteen in si dhow ay u wada-shaqeeyaan, isla markaana xiriir iskaashi uu u dhex maro.

Sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in maanta madaxweynaha Soomaaliya uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiraha cusub ee Shiinaha ay u soo magacowday dalka, warsame Geel-jire, isagoo sheegay in ay ka wada-hadleen madaxweynaha iyo safiirka sidii loo billaabi lahaa mashaariic horumarineed oo dowladaha Shiinaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Ugu dabeyn, safiirka Shiinaha ee Somalia oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya loo soo magacaabo, waxaana uu sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dalka iyo fulinta mashaariic horumarineed oo laga fuliyo Soomaaliya.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: