Koox ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaadday deegaanka Raage-ceelle oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe

Al-Shabaab_militantsKoox ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Raage-ceelle oo ka mid ah deegaannada gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararka laga helayo Deegaanka Raage-ceelle ayaa sheegaya in dagaalku uu ahaa mid xooggan oo muddo socday, ayna ku dhinteen inta la ogyahay afar ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Raage-ceelle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxay yiraahdeen: “Dagaal ayaa xalay deegaanka ka dhacay, Al-shabaab ayaa soo weerartay fariisimo ay ciidamadu ku lahaayeen Raage-ceelle, afar qof ayaa labada dhinac ka geeriyoodayâ€.

Goobjoogayaashaas ayaa waxay intaas ku daray in weerarkan uu qayb ka noqonayo dhowr weerar oo ay Al-shabaab kusoo qaaday xilliyo habeen ah Raage-ceelle oo ka mid ah deegaannadii laga qasaday bilihii lasoo dhaafay.

Xaaladda deegaanka Raage-ceelle oo ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa deggen haatan, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday ay isla xalay isaga tageen halkaas.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa gacanta ku haya deegaanka oo shacab badan ay ku nool yihiin, waxaana saakay ay shacabku intooda badan hadal hayaan weerarkii xalay.

Dhanka kale, kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay bambooyinka gacanta ku weeraray gaadiid ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya oo marayay bartamaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamada amniga ee magaalada Jowhar ayaa weerarkaas kaddib qabqabteen dhowr qof oo ay uga shakisan yihiin inay weerarkaas ka dambeeyaan, waxaana inta badan gobolka Shabelllada Dhexe gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

SomaliSwiss       Jowhar
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: