Ciidanka booliiska oo xalay baaritaan ka sameeyay Afarta waaxood degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Howlgal-Booliis.jpg1Ciidanka booliiska oo howlgal dad lagu soo qab qabtay xalay ka sameeyay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Habeenkii xalay ayaa ciidamada booliisku waxa ay baaritaan ku ekeeyeen degmada Xamar weyne, iyagoo guri guri u baarayay Afarta waaxood oo ay ka koobantahay degmadaasi.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Qaasin Axmed Rooble ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo qab qabtay in ka badan 200 qofood, kuwaasoo loogu tuhmayo ineey ku lug lahaayeen falal ka dhan ah amaanka.

Qaasin Axmed ayaa xusay in dadka xalay la qabtay ay ka koobnaayeen 228 qofood, isagoo intaa ku daray in la kala saaray kadibna ay gacanta booliiska ku hareen 30 qofood, halka dadkii kale la sii daayay.

Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay ineey sii socondoonaan howlgallada noocan oo kale ah, si loo adkeeyo amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

SomaliSwiss     Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: