Mas’uuliyiinta Xeer-ilaalinta Guud iyo Hanti-dhowrka Qaranka oo maanta looga yeeray Baarlamaanka.

Kulanka BaarlamaankaBaarlmaanka Soomaaliya ayaa maanta u yeeray Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Hanti-dhowrka guud ee dalka, si su’aalo looga weydiiyo arrimo la xiriira xafiisyadooda, sida uu kulankii baarlamaanka Soomaaliya uu maanta yeeshay ka sheegay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in 12-xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan ay u soo gudbiyeen qoraal lagu doonayo in labadan xafiis su’aalo looga weydiiyo arrimo la xiriira howlahooda, wuxuuna xusay inay ku wargeliyeen in berri ay horyimaadaan baarlamaanka.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa amaray in qoraalka loo qaybiyo xildhibaannadii kulanka goobjoogga ka ahaa, wuxuuna xildhibaannada oo tiradoodu ahayd 141 uu ku wargeliyay inay soo diyaarsadaan su’aalaha ay weydiinayaan xafiisyadan.

Labada mas’uul ee loo yeeray ayaa waxay weli laga haynin wax war ah oo ku saabsan u yeeriddooda baarlamaanka, waxaase la sheegay in arrintooda ay la xiriirto amarkii ay dhawaan soo saareen ee ahayd xayiraadda lagu soo rogay wasiirrada hore.

Dhanka kale, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay maanta ansixiyeen sharciga ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliya, kaasoo si aqlabiyad ah ku ansixiyeen xildhibaannada, kaddib markii ay xildhibaannada u sharraxday sharcigan sii-hayaha xilka wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sharcigan ayaa waxaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay 140-xildhibaan, halka uu aamusay hal mudane, iyadoo aysan jirin mudane diiday, waxayna xubnuhu ansixinta kaddib guda-galeen sharciga xuduudaha iyo federaalka dalka oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulanka soo xiray, isagoo sheegay in berri ajandaha horyaalla uu yahay su’aalo weydiinta xafiisyada xeer-ilaaliyaha ee Qaranka iyo kan Hanti-dhowrka guud ee dalka

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: