Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo maanta la kulmay gudiyada joogtada ah ee Baarlamanka

Guddiga Joogtada Barlamaanka.JPG6Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho gudiyada joogtada ah ee baarlamanka oo shir gudoomiyay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, waxaa Kulankan soo xaadiray dhamaan gudoomiyayaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamanka.

Kulankan ayaa waxaa warbixino looga dhageestay gudoomiyayaasha gudiyada KMG ah ee doorashooyinka iyo axsaabta siyaasadda, kuwaas oo ka hadlay halka ay marayaan howlaha loo igmaday.

Ajandayaasha kale ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa hortabinta howlaha horyala baarlamanka gaar ahaan shuruucda saameynta ku leh hiigsiga 2016-ka.

Xoghayaha guud ee baarlamanka C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in kulanka looga hadlay shuruucda hortebinta leh ee kalfadhiga Shanaad, wuxuuna intaa ku daray in shuruucda la kala saaray, iyadoo qeyb ka mid ah kalfadhiga Shanaad lagu dhameeyndoono.

Wuxuu xusay in warbixino muhiim ah laga dhageeystay gudoomiyayaasha gudiyada doorashada iyo axsaabta siyaasadeed ee dalka, kuwasoo si qota dheer uga hadlay halka ay mareyso dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo shuruucdiisa.

SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: