Sii-hayaha wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in agaasimihii guud ee wasaaradda Haweenka, Maxamed Cumar oo xalay lagala baxay gurigiisa uu u xiran yahay dowladda Soomaaliya.
Wasiiradda oo la hadlaysay warbaahinta ayaa sheegtay in Maxamed Cumar lagu xiray amar kasoo baxay xeer-ilaaliyaha iyo Hanti-dhowrka ee Qaranka uuna ku xiran mid ka mid ah xabsiyada ciidanka nabad-sugidda ay Muqdisho ku leeyihiin.
Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadalkeeda sii wadato waxay tiri: āMaxamed Cumar waxaa xalay gurigiisa kala baxay ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda Qaranka, iyadoo lagu xiray amar kasoo baxay Xeer-ilaaliyaha guud iyo Hanti-dhowrka Qaranka oo ku eedeeyay ku takri-fal shaqoā.
Sidoo kale, wasiiradda haweenka ayaa sheegtay inay la xiriirtay taliye ku xigeenka nabad-sugidda Qaranka, uuna u sheegay inay ku xireen agaasimaha amar kasoo baxay xafiisyada Xeer-ilaaliyaha guud iyo Hanti-dhowrka guud.
Wasiiraddu waxay hadalkeeda ku dartay: āTaliye ku xigeenku wuxuu kaloo ii sheegay in qodobka xariga agaasimaha loo cuskaday uu yahay 250 ee xeerka ciqaabta guud oo sheegaya ku takri-fal shaqo xafiiseedā.
Marwo Khadiijo oo sii hadlaysay ayaa sheegtay in sidoo kale uu jiro qodob kale oo diidaya in inta u dhexeysa 12:00 makhribnimo illaa 7:00 aroornimo aanan la geli karin guri uu deggen yahay masāuul ka tirsan dowladda iyadoo aan amar maxkamadeed la haysan.
Wasiiraddu oo hadalkeeda sii amba qaadeyso waxay tiri: āWaa Alle mahaddiis in qof walba awoodda uu haysto ay siday doonto ugu takri-falayso, iyadoo indhaha shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa calaamkuba eegayaan, xafiis walbana sidii la doono awooddiisa loogu takri-falo, labadan xafiis ee sheegaya ku takri-fal ay iyagu sameynayaanā.
Marwo Khadiijo waxay sheegtay inaysan rumeysnay in eeddda loo soo jeediyay agaasimaha guud ee wasaaradda ay tahay mid run ah, iyadoo u dhigtay hadalka in Maxamed Cumar oo agaasimaha ah uu noqday miskiin misko la-fuulo leh. Waxayna hadalkeeda ku dartay inay wax laga xumaado tahay in masāuul dowladeed la iska xirto.
āHaddii ay jirto ku takri-fal awoodeed waxay ahayd in inaga lagu eedeeyo, haddii ay xaqiiqo dhab ah hayaan. waayo aniga ayaa haya masāuuliyadda wasaaradda tan iyo inta aan xilka ka wareejinay,ā ayay hoosta ka xariiqday.
Dhanka kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in laba masāuul oo kale oo wasaaradda ka tirsan iyagana la xiray goor-dhow kuwaasoo kala ah; Baarliin Maxamed Cali oo dhinaca sharciga kala talisa wasiiradda iyo Nadiifo Cabdi Diirshe oo ah madaxa xiriirka gobollada, kaddib markii ay xabsiga ku booqdeen agaasimihii wasaaradda.
Si kasto oo ay tahay , illaa hadda ma jiro war arrintan ku saabsan oo Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Hanti-dhowrka guud ka soo baxay, iyadoo agaasime Maxamed Cumar ay xalay saqdii dhexe kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi kooox hubeysan.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.