Mrs Simonetta Sommaruga oo loo sameeyey Xafladdii Caleema Saarka Madaxweyninnimo Switzerland ee Sanadkan 2015ka

Swiss Presidentin.jpg212 Dicembre 2014 – Haweynay magaceeda la yiraahda Simonetta Sommaruga oo Wasiiradda Cadaaladda iyo Boliiska ayaa loo doortay inay noqoto Madaxweynaha Kaltanka ee Wadanka Switzerland ee Sanadkan 2015ka.Waxaa maanta loo sameeyey Xafladdii lagu caleema saarayey, sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenna waxaa loo doortay qof ka tirsan Xisbiga liberal radicale oo Reer Berna ah Mudane Johann Schneider-Ammann oo ah Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Switzerland.

Swiss Presidentin

Ha yeeshee waxaa nasiib darro ah in maanta Cimilada ay qaboobaneyd, sidaas darteed, Xafladdaas waxaa ka soo qayb-gashay dad aan ka badneyn Boqol qof.

Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Cusub ayaa waxaa lagu qabtay deegaanka ay deggan tahay Marwo Simonetta Sommaruga oo lagu magacaabo *Köniz* oo hoos tagto Caasimadda dalkan Switzerland ee Bern.

Munaasabadda ayaa waxaa isku soo dubarriday Mas’uuliyiinta Gobolka (Kanton) iyo Degmada Köniz, waxaana la sheegay in dadkii ka soo qayb-galay xafladdaas ay u badnaayeen Xisbiyada guusha soo hooyey.

Swiss Presidentin.jpg1Sannadkan 2015ka ayaa markii ugu horreysay guusha saddaxda Aqal laga hoggaamiya ay ku guuleysteen Xisbiga Socialista-ha (PS), sida :
1 – Simonetta Sommaruga oo noqotay Madaxweynaha Konfederalka.
2 – Mudane Stéphane Rossini oo noqday Guddoomiyaha Aqalka Shacabka.
3 – Senator Claude Hêche oo noqday Guddoomiyaha Aqalka Gobollada (Kantons).

Dhanka kale Munaasabadda Xafladdan oo ahayd mid rasmi ah ayaa waxaa Aqalka Golaha deegaanka Bern ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Xilka banneeyey Mudane Didier Burkhalter oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Switzerland oo xafladdaas ka hadlay, wuxuuna si rasmi ugu wareejiyey Xil sharafeedka uu hayey, iyadoo halkaas ay xaadir ku ahaayeen Marti gaaraysa ilaa 300 qof.

Sida la wada ogsoon yahay Wadanka Switzerland waxaa loogu dhaqmaa Mabda’à Federalismaha iyo Konfederaalka, si ay ugu dhaqmaan Federaalismaha, waxay ku qaadatay muddo dhan 700 Sanadood.

Dalkan Switzerland dhulkiisu waxaa lagu qiyaasi karaa 3 Gobol oo soomaaliya, wuxuuna ka kooban 26 Gobol, Gobol-kasta wuxuu leeyahay Is-maamul iyo Dastuur u gaar ah.

Wuxuu kaloo uu leeyahay Dowlad dhexe oo ka kooban Madaxtooye, Xukuumad ka kooban 7 Wasiir, kuwaas oo Sanad-walba midkood loo doorto Madaxweynaha Kaltanka, sidoo kale waxaa jira gole Barlamaan Qaran iyo Gole barlamaan oo kulmiya Gobollada (Kantons).

Intaas ka socow Gobol kasta wuxuu leeyahay Guddoomiye Gobol iyo Gole Goboleed, sidoo kale, Degmo kastana waxay leedahay Guddoomiye iyo Gole Deegaan.

Source :          sda-ats
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: