War goor dhoweyd naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid ay 8 Qof ay geeriyoodeen halka dad kale oo 100 Ku dhaw ay la il-daranyihiin xaalad caafimaad darro oo ka dhalatayay biyaha sumeysan ee ay cabbeen.
Afhayeenka Maamulka gobalka banaadir ayaa Radio Muqdisho u sheegay in dadka sumoobay hadda loola cararay cisbitaalada magaalada muqdisho si loola tacaalo xaaladda baniaadanimo ee soo wajahday.
Sidoo kale ilaa hadda lama hayo Xaqiiqada waxa ay dadkaasi u dhintee, hase yeeshee dhaqaatiirta ayaa ku howlan kala caddeynta in ay sumeebeen iyo In kale.
In kastoo la sheegay in dadka ku dhintay dhacdadaas ay u badan yihiin caruur, iyadoo masuuliyiinta maamulka gobalka ay ku howlanyihiin u gurmashada dadka xanuunsanaya.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.