Kooxo hubeysan oo aan hayntooda la garanayn ayaa xalay saqdii dhexe gurigiisa kala baxay agaasimihii waaxda haweenka ee wasaaradda arrimaha haweenka iyo xuquuqda aadanaha Somalia, Maxamed Cumar Maxamed.
Illaa hadda lama oga sababta ka dambeysay in agaasimahan gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi lagala baxo. Waxaana la sheegay in kooxahan ay wateen gaari, kaasoo ay agaasimaha kusii qaateen.
Xubno ka tirsan wasaaradda haweenka ayaa warbaahinta u sheegay inaan la garanayn illaa hadda sababta ka dambeysa kexeysashadiisa, balse ay jiraan dadaallo lagu baadi-goobayo halka ay kooxu la aadeen Maxamed Cumar.
“Sida aan warka ku helnay kooxaha hubeysan guriga ayay xalay 12:00 habeenimo u dhaceen, waxayna la baxeen agaasimaha, gaari ay wateen ayay ku kexeysteen lamana oga halka ay la aadeen,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo diiday in magaciisa la sheego.
Falkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ka dhaca Muqdisho, iyadoo ay xilliyadii ugu dambeysya Muqdisho kusoo badanayeen dilalka ay kooxo wata gaadiid u geysanayeen mas’uuliyiinta dowladda iyo qaybaha shacabka.
Ma jiraan illaa hadda war arrintan ku saabsan oo kazoo baxya hay’adaha amniga dowladda iyo cid sheegatay inay ka dambeyso afduubka agaasimaha waaxda haweenka ee wasaarada haweenka iyo xuquuqul aadanaha dowladda Soomaaliya.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.