Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa maanta la hadlay qaar ka mid Warbaahinta Soomaaliya ayaa sheegay in Shirka Baarlamaannada wadamada Jaamacadda Carabta oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Qaahira ee dalka Masar, wuxuuna sheegay in shirkaas lagu wado in maanta la soo gebagebeeyo.
Sidoo kale Xildhibaanku oo shirkaasi ka qeybgalaya ayaa wuxuu si gaar uu wareysi u siiyey Radio Muqdisho una sheegay in kulanka lagu doortay gudoon cusub oo uu yeesho baarlamaanka wadamada Jaamacadda Carabta.
Mudane Dhalxa ayaa xusay in gudoomiyaha Baarlamanka wadamada jaamacadda Carabta markale loo doortay Axmed Maxamed Garwaan oo u dhashay wadanka isu tagga imaaraadka Carabta.
Dhanka kale, wuxuu intaa ku daray in Afarta gudoomiye ku xigeen ee baarlamaanka jaamacada Carabta loo doortay rag u kala dhashay wadamada Sudan, Aljeriya, Maroco iyo Kuwayt.
Xildhibaan Dhalxa ayaa tilmaamay in doorashada kadib kulanka baarlamanka jaamacadda carabta laga soo saaray qodobo ku saleeysan siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Mudane Dhalxa ayaa hoosta ka xariiqay in kulanka Baarlanka la soo geba gebeeyn doono maanta, isagoo tibaaxay ineey ka soo bixi doonaan qodobo wax tar u leh dalkeena Soomaaliya.
SomaliSwiss Ā Ā Ā Qaahira
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.