Siihaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo tababar u xiray Shaqaale ka tirsan Hay’adaha Maaliyadda dowladda.

Wasiirka Maaliyadda.JPG1Siihaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo ayaa maanta tababar u soo xirtay qaar ka mid ah shaqaalaha Hay’adaha dowladda, gaar ahaan waaxaha Maaliyadda;

Kuwaas oo la barayay casharo la xiriira maareynta iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha ka howlgala, waxana xiritaanka tababarka ka qeyb galay Siihayaha Wasiir-u- dowlaha Wasaaradda Maaliyadda mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Shaqaalaha MaaliyaddaUgu horeyntii, waxaa mubaasabadda xiritaanka tababarka ka hadlay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah siihayaha Wasiiru-dowlaha, waxaana uu tilmaamay in muhiimaddu ay tahay inaan shaqaalaha culeys lagu saarin shaqada oo kaliya, balse loo sameeyo kobcin iyo aqoon kororsi joogta ah si ay u gutaan shaqooyinka loo igmaday.

Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa kula dardaarmay shaqaalihii dhamaystay saminaarka in ay duruusta la baray dalka iyo dadka uga faa’iideeyaan, kuna dabaqaan shaqada ay ummada u hayaan, midkastana waxaa la gudoonsiiyey shahaadada ka qayb galka saminaarka.

Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Maaliyadda ay wado qorshayaal ujeedadiisu tahay in kor loo qaado hufnaanta iyo furfurnaanta hannaanka miisaaniyadda Qaranka, in si wanaagasn looga shaqeeyo isku-dheelli-tirka miisaaniyadda iyo in kor loo qaado miradhalka kharaashaadka dawladda.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: