Qaar ka mid ah Xildhibaannada Soomaaliya oo Sharci-darro ku Tilmaamay Amarkii la Dul-dhigay golihii Wasiirrada….

Xildhibaanada barlamaanka.jpg4Xidlhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sharci-darro ku tilmaamay qoraalkii amarka ahaa ee kasoo baxay xafiisyada xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo kan Hanti-dhowrka guud, kaasoo lagu sheegay inaanay safar dibadeed u bixi karin wasiirradda xukuumaddii la riday inta ay xilalka ka wareejinayaan.

Mudane Maxamed C/llaahi Xasan oo u hadlay xildhibaannada ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid sharci-darro ah, dastuurka dalka aanu melena kaga qornayn, uusanna shaqeyn doono.

“Qoraalka kasoo baxday xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud iyo Hanti-dhowrka ee bishan lixdeedii kuna saabsanayd inaanay wasiirradu safar dibadeed u bixi karin illaa ay xilalka wareejiyaan waxaan qabnaa inay tahay aflagaaddo loo geystay xubnaha golaha wasiirrada ee kalsoonida waayay, waana mid sharci-darro ah,” ayuu yiri xildhibaanka Maxamed C/llaahi.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa ku taliyay in xafiisyadan laga qaado tallaabo sharci ah, isagoo ugu baaqay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aaddan qoraalkan xayiraadda ah.

“Waxaan weydiisanaynaa madaxweynaha Somalia inuu moqifkiisa ku aaddan warqadan uu caddeeyo, qodobka 103-aad ee dastuurka wuxuu qeexayaa in ay golaha wasiirrada ay yihiin kuwii xilka ku simi lahaa xukuumadda lasoo dhisi doono,” ayuu xildhibaanku mar kale yiri.

“Waxaa ladoonayaa in shacabka loo tusiyo wasiirradii hore inay yihiin kuwo dambiilayaal ah dalkana ka baxsanaya isgaoo xilkii weli haya. Ma jirto meel ay sharciga dalka kaga qoran tahay in xafiiska madaxweynaha bixiyo amar fasaxaya wasiir dalka ka dhoofaya, waxaanan caddeynaynaa in warqaddaas ay tahay mid sharci-darro ah oo aan shaqeyn karin,” ayuu mar kale yiri.

Ugu dambeyn, xildhibaan Maxamed Cabdullaahi ayaa xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka weydiistay inuu horyimaado baarlamaanka Somalia si su’aalo looga weydiiyaan arrintan.

Hadalka xildhibaankan iyo shirka ay yeesheen ayaa kusoo beegmaya xilli ay si wadajir ah u soo saareen xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Hanti-dhowrka guud ee dalka inaanay wasiirradii xukuumaddii kalsoonid wayday aysan dalka ka bixin illaa ay xilalka wareejiyaan.

SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: