Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Switzerland, Sweden ee Soomaaliya, Mikael Lindvall iyo ergeyga QM ee Soomaaliya, Nicholas Key.
Kulammadan oo ahaa kuwo kala gooni-gooni ah ayuu markii hore wuxuu kulan la qaatay danjiraha Sweden ee Soomaaliya, Mikael Lindvall, sidoo kale Mudane Jawaari wuxuu kulankii labaad la qatay danjiraha Switzerland Mr. Dominic iyo Nicholas Kay.
Sidoo kale, shirarkan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Somalia iyo sidii ay ku soo gaba-gabooneen kulammadii golaha baarlmaanka Soomaaliya.
 Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya, danjire Mikael Lindval iyo danjire Key xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia danjire Key, waxayna si wadajir ah u amaaneen sida ay kusoo gaba-gaboobeen doodihii baarlamaanku uu lahaa maalmihii lasoo dhaafay.
Danjire Kay iyo danjire Lindval ayaa waaxay si wadajir ah u ballaan-qaadeen inay sii wadi doonaan taageerrada ay la garab-taagan yihiin Baarlamaanka F. Soomaaliya, si uu howlihiisa u dar-dar-geliyo.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageerrada ay la garab-taagan yihiin Soomaaliya iyo sidii ay u tixgeliyeen codsigiisii la xiriiray in hay’adaha dowladda loo siiyo fursad inay arrimahooda si hoose xal uga gaaraan oo aan lagu faragelin.
SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.