Xeer ilaaliyaha Qaranka, Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in sababta ay u soo rogeen amarka ah inaysan wadanka ka dhoofi karin wasiirrada xukuumaddii kalsoonida wayday ay tahay, si hantida Qaranka loo ilaaliyo.
Dr Axmed oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay inay jiraan wasiirro hore oo iska haysta hantidii Qaranka, ayna tahay midda ay ka cararayaan in hantida Qaranka uu iska haysto wasiir xilka laga qaaday.
ā€Waxaa jira wasiirro xilalka horay looga qaaday oo iska haystay hantidii uu Qaranka Soomaaliyeed lahaa, sababta aan xukunkan u soo rognayna waa in aanay taas oo kale dhicin,” ayuu yiri Daahir. Isagoo raaciyay. ā€Wasiirradii hore qaarkood ayaa weli iska haysta hantidii Qaranka, waxaana ka mid ah hantida ay haystaan gaadiidka aanay xabbaduhu karin.”
Sidoo kale, xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu hayo wasiirradii hore, wuxuuna sheegay in wasiirradaas qaarkood dacwadahooda loo soo gudbiyay xeer-ilaalinta Qaranka, kuwo kalena ay weli baaritaanno ku socdaan.
ā€Amarka aan soo rognay waa mid aan ku doonayno inaan ku xaqiijinno sidii hantida Qaranka aanu shaqsi u haysan lahayn, mana dhihin wasiirrada maba ka bixi kartiin dalka, balse inta ay xilka ka wareejinayaan ayuu amarkan jiri doonaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Qoraal ay wadajir u soo saareen Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Hanti-dhowrka Guud ayaa lagu sheegay inaysan wasiirrada xukuumaddii hore ka bixi karin dalka illaa inta ay xilalka wareejinayaan, iyadoo sidoo kale lagu xusay qoraalka lagu xusay in wasiirkii doonaya inuu dhoofo uu fasax kasoo qaato xafiiska madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale xafiisyada hanti-dhowrka guud iyo xeer-iilaalinta.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo amar noocan oo kale ah lagu soo rogo wasiirrada xukuumad kalsoonida wayday, iyadoo qaybo badan oo dalka ka mid ah laga soo dhaweeyay arrintan, halka meelo kalena laga dhaliilay.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.