Wadamada Itoobiya iyo Kenya ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen inay sameeyaan ciidammo gaar ah oo ka howlgala Koonfurta Somalia, si ay uga hortagaan weerarrada ay Al-shabaab geysanayso.
Madaxweyne ku xigeenka -xigeenka Kenya, William Ruto ayaa shalay sheegay in heshiis qarsoodi ah la gaareen Itoobiya, kaasoo ah inay si wadajir ah u dhisaan ciidammo si gaar ah uga howlgala Koonfurta Somalia.
Mr. Ben Ochieng ayaa laga soo xigtay in hadafka dalalka Kenya iyo Itoobiya uu yahay sidi ay deegaannada ku dhow xuduudaha ay la wadaagaan Soomaaliya uga sameyn lahaayeen aag xasilloon si ay uga hortagaan weerarro ay Al-shabaab ka geysato labada waddan.
Mr. Ruto ayaa dhawaan sheegay in soohdinta ay wadaagaan Somalia iyo Kenya oo 800-KM ah inay adag tahay in la xakameeyo weerarrada xad-ka-tallowga ah ee ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha Kenya.
“Kenya waxay wadahadallo lagu aag-nabadeed looga abuurayo gudaha dalka Soomaaliya la gaarnay dhiggeenna Itoobiya. Si loo sugo amniga xuduudaha labada dal,†ayuu Ruto ku sheegay hadal uu siiyay telefishin ka mid ah kuwa dalka Kenya.
Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa imaanaya xilli ay dhawaan ka dhaceen weerarro ay mas’uuliyaddooda sheegatay Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo laba jeer oo kala duwan ay ku dileen dad masiixiyiin ah oo tiradoodu ahayd 64-qof.
“Dadka ku nool deegaannada ku teedsan xuduudda ay Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan iyo xoogagga Al-shabaab waa kuwo isku eg, wayna adag tahay in la kala garto, waana taas tan keentay inaan heshiiska lagu abuurayo dhul ka caaggan colaadaha aan ka abuurno Koonfurta Soomaaliya,†ayuu Ruto ku daray hadalkiisa.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in weerarrada Al-shabaab ay dhibaatooyin aad u xooggan kasoo gaareen Kenya, balse aysan u qorsheynayn inay ciidankooda qaybta ka ah AMISOM kala baxaan Soomaaliya, wuxuuna wararka sheegaya in Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya uu ku tilmaamay kuwo ku siinaya garab kooxaha argagaxisada inay weerarro geystaan.
“Dhibaatada asalkeeda in lasoo afjaro waxay ku xiran tahay in la soo afjaro Al-shabaab oo dhan, waayo dhibaato ayay ku haysaa Kenya, dhibaato taas la mid ahna waxay ku haysaa Soomaaliya,†ayuu hadalkiisa ku daray Ruto.
William Ruto ayaa xusay in Kenya ay ku kalsoon tahay inay ku guuleysato dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo sheegay in haddii ciidamadooda ay kala soo baxaan Soomaaliya ay taasi awood u siinayso Al-shabaab inay sii waddo dagaallada ka dhanka ah Kenya iyo dalalka kale ee gobolka.
“Haddii Kenya iyo Beesha Caalamka aysan geli lahayn Somalia xilligan kama aanan hadli lahayn amniga gobolka, waayo Al-shabaab waa koox si aad ah u hubeysan oo aan naxariis lahayn, waxayna fikirkooda ku baahin lahaayeen meelo badan oo gobolka ka mid ah,†ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Kenya.
Ugu dambeyn, Ruto ayaa sheegay in 36 shaqaale oo dhagaxda qoda ay ku dishay Al-shabaab deegaan ku dhow Mandheera oo soohdinta labada dal ku dhow, taasoo uu ku sheegay inay ka mid yihiin falalka ay doonayso inay ka fuliso gobolka oo dhan.
SomaliSwiss       Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.