Ra’iisul Wasaaraha xilka ka degay Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyey go’aankii xildhibaanda Baarlamaanku ay kalsoonida kala noqdeen xukuumadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tibaaxay inuu doonayo in shacabka Soomaaliyeed la qaybsado dareenkiisa ku aadan go’aankii qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanku codka kalsoonida ah kala noqdeen xukuumadda.
“Shalay oo taariikhdu ahayd 6-da Diseember 2014, Xildhibaanda Golaha Shacabka waxay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda aan hoggaminayo. Waxaan si kalsooni ku dheehan tahay u soo dhoweynayaa go’aankaas, anigoo si buuxda u aqbalay“.
Sidoo kale waxaan aad ugu faraxsanahay ayuu yiri in goluhu go’aankaas meelmariyey, iyagoo xasiloon oo degan; Waxaan bogaadinayaa guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo si ku dheehan dadaal iyo karti ku daadihinayey kulankii shalay.
Dhanka kale Mudane Cabdiwali wuxuu u mahadcelinayey xildhibaannada oggolaaday iyo kuwii diiday kalsooni kala noqoshada Xukuumadda, Labada dhinacba waxay si sharaf leh u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.
Ra’iisul Wasaare Cabdiwali wuxuu intaas uu raaciyey: “Waxaad ogtihiin in mooshinka kalsooni kala noqoshada uu keenay muran ka dhashay sharci ahaantiisa iyo kala qaybsanaan siyaasdeed, saamayn ballaarana ku yeeshay hawl socodka xukuumadda iyo baarlamaanka, waxaan si gaar ah u amaanayaa xubnihii baarlamaanka ee muujiyey bisayl una tanaasulay danta dadka iyo badbaadinta Qaranka kuwaasoo aqbalay in la guda galo doodada mooshinka. Waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyadii uu saameeyey muranka inay wanaag iyo is cafin ku beddelaan khilaafka, wadajirna u wajahaan dardargelinta hawsha qaranka”.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS mudane Xasan Sheikh Maxamuud wada shaqayntii dhex martay mudadii sanadka ahayd.
“Waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo aan shaqo baaxad leh wada qabanay muddo sannad ah oo aan xilka hayey; Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa saaxiibaday, xubnaha Golaha Wasiirada oo aanu ka wada shaqaynay waxqabad la wada qirsan yahay ee xukuumaddu ku talaabsatay mudadii ay jirtay; Waxqabadkaas waa mid wadareed oo aynu dhammaanteen wada leenahay”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay inuu san marnaba iloobi doonin taageeradii hagar la’aaneed ee shacabka Soomaaliyeed oo ku nool dalka gudhiisa iyo dibadiisa ay u muujiyeen mudadii sanadka ahayd iyo Beesha caalamka oo mar walba garab taagnayd xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambayn, kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan midnimada, kana foogaadaan wax kastoo waxyeeli kara wadajirkooda iyo walaaltinimadooda.
“Dalkeenu wuxuu u baahan yahay xasilooni, waxaana lagu gaari karaa marka lagu dhaqmo sharciga, Dadkeenu wuxuu u baahan yahay horumar waxaana lagu gaari karaa isku tashi, amni iyo caddalad, ayuu ku soo gabagabeeyey Mudane C/weli.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.