Waxaa habeenkii Axadda ahayd magaalada San Gallen ee Kantonka Bariga Swisska lagu qabtay Kulan looga hadlayey sidii gargaar loogu ururuurin lahaa dadka soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA KALE
Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Guddoomiyaha Jaaliyadda Kantonka Bariga Swisska Marwo Layla Maxamuud Qanyare, waxaana ujeedka ahaa in lagu soo dhaweeyo Ururka Iftin Women Group oo Urur Samafal ah.
Ururka Iftin Women Group oo laba jirsaday ayaa waxay kaalin waxtar leh ka geysteen gudaha dalka Soomaaliya, sidaas darteed waxay haatan ay sii ballaariyeen wax-qabadkooda, waxayna doonayaan in dhammaan Gobolladan dalkan Switzerland ay gaarsiiyaan ololaha ay ay ku doonayaan inay ka soo uruuriyaan gar-gaarka ay rabaan inay gaarsiiyaan Soomaaliya.
Kulan ayaa waxaa uga horreyntii ka hadashay Guddoomiyaha Jaaliyadda Kantonka Bariga Swisska Marwo Layla Maxamuud Qanyare, waxayna dadkii ka soo qayb galay ku guubaabisay inay la baxaan Sadaqada la doonaya in lagu gargaaro dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa halkaas ka wada hadleen Guddoomiyaha Jaaliyadda Kanton Zürich Marwo Xaawa Nuur iyo Guddoomiye ku-xigeenka Dr. Axmed Dhicisow, waxayna si buuxda u taageereen howsha khayrka badan oo ay ku dhiiradeen howlwadeena Ururka Iftin Women Group, sidoo kale waxay sheegeen in howshan ay tahay mid tusaale u noqon karta Ururrada kale ee soomaalida ee ka howlgala dalkan Switzerland.
Dhanka kale waxaa kulankaas Muxaadarooyin ka jeediyey Culumada Masjidka Alkhulafaa’u Raashidiin Sheikh Mustaf, Sheikh Axmed Duri iyo Sheikh Maclin Nuur, waxayna si qota dheer ugu hadleen fadliga Sadaqada ay leedahay, ugu danbeyntii waxaa kulankaas lagu Uruuriyey lacagihii Sadaqada ahayd.
SomaliSwiss        Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.