Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxaa ay codkii kalsoonida kala laabteen xukuumadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.
Kulanka maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxa uu kooramka ku furmay 211 mudane, waxaana markii dambe ay tirada Xildhibaannada noqdeen 235 mudane.
Mooshinkan ayaa waxaa saxiixay 138 mudane, iyadoo xildhibaanada soo gudbiyay mooshinka ay sheegeen inay ku kalsoon yihiin inay ku guuleysan doonaan mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Soomaaliya.
Dhanka kale, mudanayaasha kasoo horjeeda Mooshinka ayaa iyaguna waxay sheegayaan inay ku kalsoon yihiin inay mooshinkan laali doonaan, inkastoo aan la ogeyn dhinaca uu u dhici doono mooshinka.
Ha yeeshee dood dheer kadib ayaa waxaa Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ay bilaabeen cod u qaadidda mooshinka ka dhanka ah xukuumadda oo gacan taag iyo tirinta cododka.
Si kasta ha ahaatee Gudddoomiye Jawaari wuxuu ugu danbeyntii ku dhawaaqay natiijada codeynta ee maanta, waxaana uu sheegay in 153 mudane ay ogolaatay in ay dhacdo xukuumadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli, halka 80 mudane ay diiday mooshinka, waxaana ka aamustay labo mudane, sidaasina baarlamaanka waxa uu codka kalsoonida ah kala laabtay xukuumadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli.
SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.