Weerar Is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

baydhaboQarax Is-miidaamin ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasoo lala beegsaday maqaayad uu horay qarax ismiidaamin ah oo noocan oo kale ah loola beegsaday.

Inkastoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkan ayaa haddana wararka hordhaca ah waxay sheegayaan inuu sababay khasaare fara badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii goobtaas ku sugnaa.

Weerarkan Is-miidaaminta ah ayaa ka dhacay meel ku dhow xarunta shirkadda Dahab-shiil ay ku leedahay Baydhabo, iyadoo dadka deegaanka laga soo xigtay in qaraxan uu khasaare badan dhaliyay.

Sidoo kale, wariyaha HOL ee Baydhabo ayaa sheegay in goobta qaraxa lala beegsaday ay fariisan jireen dad badan oo uu sheegay inay wariyeyaal iyo xubnihii shirkii Baydhabo ka mid ahaayeen, uuna maqlay illaa hadda dhimashada saddex qof oo uu ka mid yahay mid ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Baydhabo, inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ismiidaaminta ah, laakiinse weerarkii kan ka horreeyay oo lagu weeraray xubno ka tirsan maamulka lixda gobol ee Baydhabo lagu dhisay ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Qaraxan Is-miidaaminta ah ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor ay ka dhacday Baydhabo xaflad lagu caleemo-saarayay Shariif Xasan Sh. Aadan oo loo doortay bartamihii bishii la soo dhaafay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: