Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta billaabay ka doodista mooshinka ka dhanka ah ra’iisul waasaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed, iyadoo markii uu kulanku furmay la akhriyay magacyada 138 xildhibaan oo saxiixay mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale laga akhriyay mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo eedeymaha loosoo jeediyo xukuumadda Somalia, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay uu ka dal-baday xildhibaannada doonaya inay ka doodaan mooshinka inay is-diiwaan-geliyaan, illaa 80-xildhibaan ayaana is-diiwaan-geliyay.
Shirka baarlamaanka ee maanta ayaa ahaa mid deggen, iyadoo xildhibaannada is-qoray ay billaabeen ka doodista mooshinka, waxaana lagu wadaa in kulanku uu socdo illaa gellinka dambe ee maanta oo Khamiis ah.
Xildhibaannada dooddooda ayaa lagu wadaa in inteeda badan ay maanta jeediyaan, iyadoo inta hartayna ay maalinta Sabtida ah ee soo socota hadli doonaan, markaas kaddibna codka kalsoonida ah loo qaadi doono mooshinka ka dhanka ah xukuumadda.
Inkastoo aan la ogeyn halka uu u dhici doono mooshinka, ayay haddana xildhibaanada soo gudbiyay mooshinka inay ku kalsoon yihiin inay kalsoonida kala laaban doonaan RW iyo xukuumaddiisa, halka kuwa kasoo hor-jeedayna ay sheegayaan inay ku kalsoon yihiin inay mooshinka diidaan oo uu sidaas kufashilmo.
Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dhawaan maalin ka hor sheegay in mooshinkan uu u dhaafi doonin maalinta Sabtida ah oo codka loo qaadi doono.
Mooshinka ka dhanka ah RW iyo xukuumaddiisa ayaa buuq ka dhex-dhaliyay buuq saddex kulan oo baarlamaanku uu yeeshay kuwaasoo looga hadli lahaa mooshinka ka dhanka ah xukuumada, kaddib markii ay ka billaabeen hoolka shirarka sawaxan iyo buuq xildhibaan-nada kasoo horjeeda mooshinka.
SomaliSwiss     Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.