Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo dil toogasho ah ku fulisay sadex qof oo laba ka mid ah Askari ahaayeen.

Dil toogasha ah.jpg7Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia ayaa saaka oo Khamiis ah dilal toogasho ah ku fulisay saddex ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen askar, halka ruuxa kalena la sheegay in uu ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

Saddexdan qof ayaa la sheegay inay horay dilal ugu geysteen saddex qof oo mid ka mid uu ahaa filim-qaade ka tirsan telefishinka Qaranka, kaasoo uu dhalay wariye ka tirsan idaacadda Radio Muqdisho oo ku hadasha afka DFS.

Sida caadada ahayd Toogashadan ayaa waxay ka dhacday barxada Iskuul-bulisyo oo inta badan ay ka dhacaan dilalka toogashada ah, waxaana la adkeeyay ammaanka goobta uu xukunka ka dhacayay oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan dowladda FS.

Saddex qof ee la dilay ayaa waxay kala ahaayeen; Ibraahim C/llaahi Cali oo horay u dilay filim-qaade Zakariye Maxamed Maxamuud Macallin, iyo labada askari ee la toogtay oo iyaguna kala haa; dable C/llaahi Cartan Maxamuud oo 22-jir ahaa horayna u dilay, Axmed C/raxmaan Shariif iyo dable, C/fitaax Axmed Cabdi oo 29-jir ahaa horayna u dilay Maxamuud Xasan Maxamed.

Askartan iyo qofka kale ee la toogtay oo Al-shabaab ahaa ayaa waxaa toogtay qaar ka mid ah ciidamada isku dhafan, iyadoo saraakiisha maxkamadda iyo kuwa kale ee dowladda ay sheegeen in cid walba oo dambi gasha xukunnadan oo kale lagu fulin doono.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay ciidamada xoogga dalka toogasho ku dilaan askar iyo dad la sheegay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen oo dilal horay uga geystay Muqdisho.

Tan iyo markii uu billowday sannadkan ayay maxkamadda ciidamada dilal toogasho ah ku fulisay dad fara badan oo qaarkood lagu eedeeyay inay falal qaraxyo ka geysteen hoteello iyo madaxtooyada Soomaaliya.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: