Golaha Amaanka & Xoghayaha Guud ee QM ayaa si wadajir ah u muujiyay sida ay uga xunyihiin qaraxyada ay Al-shabaab ka geysanayso Muqdisho iyo weerarkii shalay Muqdisho lagula beegsaday kolonyada gaadiidka ah ee ay wateen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay, kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca.
“Ma jirto marmarsiiyo loo heli karo weerarrada argagaxiso ee noocan oo kale ah,” ayaa lagu sheegay qoraal ay soo saartay Qaramada Midoobay. Waxaa sidoo kale lagu xusay qoraalka in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay in ay gacan ka siisyo shacabka iyo dowladda Soomaaliya dib u dhiska iyo sidoo kale soo celinta nabadda dalkooda.
Hadalka qoraalka ah shalay gellinkii dambe ay soo saartay QM ayaa si kulul loogu cam-baareeyay weerarka oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Al-shabaab, iyagoo sheegay inuu yahay mid lagu carqaladeynayo ammaanka soo ifaya ee ka jira xilligan Soomaaliya. Iyagoo xusay in falkan iyo kuwa kale ee noociis ah ay yihiin dambi aan loo cudur-daari karin.
Golaha Ammaanka ayaa Sidoo kale, ku celiyay go’aankiisii hore ee ahaa inay la dagaala-mayaan dhammaan noocyada argagixisada, iyogoo ku taliyay in dambiilayaashii soo qaban-qaabiyay, kuwii maal-geliyay iyo kuwii fulayayba la horkeeno cadaaladda. Iyagoo ku dhiirrigeliyay shaqalaha QM ee Somalia ku sugan inay sii laba-jibaaraan howlaha ay ku caawinayaan Soomaalida.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sheegay inaysan jirin cid kaga dhaawacantay weerarkaas oo dhacay 9:00 aroornimo shalay oo Arbaco ahayd; ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo kuwii falkaas ka dambeeyay.
Weerarkan ismiidaaminta ahaa oo ka dhacay meel ku dhow garoonka weyn ee diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa lagu soo beegay xilli ay garoonka ka dhoofayeen madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qaybgala
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā New York
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.