Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya oo xilkii laga qaaday & Taliyaha ciidanka Booliska oo iscasilay..

Ole-LenkuMadaxweynaha Dalak Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Shaqadii ka Cayriyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Ole Lenku  kadib markii Dalka Kenya Gaar ahaan Magaalada Mandheera ay ka dhaceen Weeraro Dad badan ay ku Geeriyoodeen.

Madaxweynaha Kenya ayaa Isla maanta Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya,waxaana uu u dhiibay Ninka lagu Magacaabo oseph Nkaessery oo Xilal ka soo qabtay Milatariga Dalka Kenya.

Sidoo kale Waxaa Iscasilay Taliyihii Guud ee Ciidamada Booliska David Kimaiyo oo Madaxweynaha Kenya u gudbiyay Warqada Istaqaalada.

Madaxweynaha Kenya Uhuru ayaa ka hadlay Weerarada Al-shabaab ay ka geeysteen Gudaha Dalka Kenya,islamarkaana 12 Maalmood gudahood ay ku dileen 64 Ruux oo Kenyan ah.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Al-shabaab lagu jabiyay Gobolka Geeska Afrika islamarkaana Weeraradaan ay yihiin kuwo ka turjumaya in Al-shabaab la wiiqay sida uu sheegay.

Arrimahaan oo dhan ayaa imaanaya,iyadoo Xalay Weerar ay Al-shabaab sheegteen Mas’uuliyadiisa lagu dilay 38 Ruux meel duleedka ka ah Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya.

%d bloggers like this: