Kulankii xildhibaanada golaha Baarlamaanka ee maanta ay yeesheen ayaa la shaeegay inuu ku dhammaaday si wanaagsan oo nabad-gelya ah, iyadoo Fadhiga oo ay xaadireen maanta 207 Xildhibaan.
Xildhibaanada baarlamaanka oo maanta yeeshey kulankii afaraad oo ajandihiisu uu yahay mooshinka ka dhanka ah xukuumadda uu horkacayo RW C/weli Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo labada garab ee xildhibaanada ay kulamo kala duwan xalay oo dhan lahaayeen.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaannada si rasmi ah loogu qaybiyey maanta mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Somalia iyo xukuumadda uu hoggaaminayo.
Sadexdii kulan ee midkan ka horreeyay ayaa waxaa hareeyay buuq iyo qaylo kaddib markii xildhibaanada diiddan mooshinka ay mar walba bilaabanayeen marka la doonayo in la furo kulamada heeso iyo qaylo ay ku diiddan yihiin mooshinka.
Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa horraantii toddobaadkan sheegay in heshiis laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay xubnaha baarlamaanka, kaasoo k dhashay mooshinka ka dhanka ah xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ammaanka dowladda ay xireen saaka waddooyinka soo gala baarlamaanka iyo kuwa ku dhow, iyadoo laga soo xigtay xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka inay diyaar u yihiin in cod lagu kala baxo.
Xildhibaannadan ayaa sheegaya inay kalsooni weyn ku qabaan inay diidaan mooshinka ka dhanka ah xukuumadda oo ay ku sheegeen inuu yahay mid aan sharci ahayn, inkastoo aan la ogeyn sida ay arrintu noqon doonto.
Maalmood lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka socday olole xooggan oo lagu kala jiidanayay xildhibaanada diiddan mooshinka iyo kuwa keenay, si uu dhinac walba guusha u helo.
Mooshinkan ayaa imaanaya iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu xilkaan hayo muddo hal sano ah oo keliya, waxaana mooshinkan uu yimid kaddib markii uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa, kaasoo xooggiisa salka ku haya isbedel lagu sameeyay qaar ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda.
Ugu danbeyntii, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa wuxuu Xildhibaanada u sheegay in maalinta Khamiista ah ay bilaaban doonto doodda mooshinka ka dhanka ah xukuumadda, sidoo kale maalinta Khamiista ah ayaa la akhrin doonaa liiska xildhibaanada saxiixay mooshinka.
SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.