Xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweynaayay, isla markaana lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee maamulka 3-da Gobol ee Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa habeenimadii Xalay waxaa lagu qabtay magaalada Manchester ee wadanka Ingiriiska. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA OO BADAN
Xafladan oo aheyd mid ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Manchester, gaar ahaan kuwa soo jeeda gobollada Koonfur galbeed Soomaaliya magaalada Baraawe, waxaana xafladaasi lagu taageerayay dhismaha maamulkaasi iyo madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay ee Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Dadkii iyagu xafladaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin, isla markaana ula dhacsanyihiin dhismaha maamulkaasi Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa ayna sidoo kale soo dhoweeyeen in caasimadda Maamulka 3-da gobol loogu doortay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.