Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo maanta ansixiyey Miisaaniyadda sannadka 2015-ka ay dowladdu ku shaqeyn doonto.

Barlamaanka.jpg3Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta meel-mariyay miisaaniyadda sannadka 2015-ka ay dowladdu ku shaqeyn doonto, taasoo ay maalmihii lasoo dhaafay ka doodayeen.
Continue reading

Boqorka dalka Saudi Arabia oo 91-jir ah oo maanta la Dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Riyaad, Xanuun Awgiis!!!.

Boqor Abdalla  SaudiBoqorka dalka Saudi Arabia, Cabdalla bin C/casiis Ala-Sucuud oo 91-jir ah ayaa maanta oo Arbaco ah la dhigay isbitaal, kaddib markii uu la soo gudboonaaday xanuun aan la shaacin, iyado boqortooyada Saudi Arabia ayaa sheegeen in lagu sameyn doono baaris caafimaad.
Continue reading

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo barqadnimadii maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweyne_qaahira-500x334Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay oo safar shaqo ku tegay wadanka Masar ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay. Continue reading

Ciidamada Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka oo Howlgallo lagu sugaayo nabadda ka wada deegaanka Ceelasha biyaha.

Nabadsugidda.jpg6Ciidamada Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa xalay ilaa saaka howlgallo ka wada deegaano u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Qaahira kula kulmay Imaamka Guud ee Jaamacadda Al-Azhar.

AzharMadaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Imaamka Guud ee Jaamacadda Azhar, Sheekh Axmad Al-Tayyib.

Kulanka intii uu socday ayuu madaxweynaha Somalia wuxuu warbixin ka siiyay Imaamka Azhar xaaladda Somalia iyo baahida loo qabo in Azhar ay soo celiso doorkii ay ku lahayd Soomaaliya.
Continue reading

Guddiga joogtada ee Barlamaanka oo maanta ka hadlay arrimo muhiim ah.

Guddiga Joogtada Barlamaanka.JPG6Waxaa magalada Muqdisho Kulan ku yeesheen guddiga Joogtada ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, kulankaas oo shir guddominayey kusimaha Madaxweynaha dalka ahna Afhayeenka golaha shacabka Soomaaliya Mudame Maxameed Sheekh Cismaan”Jawaari” ayaa looga hadlay labo arrimood oo kala ahaa u diyaar gorowga ansixinta barnamijka xukumada cusub ee Soomaaliya. Continue reading

Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo la Wareegaysa Sarkaalkii kasoo goostay Al-shabaab.

Xarunta NabadsugiddaSheikh Zakariye Ismaaciil oo ah Sarkaalkii dhawaan kasoo goostay Al-shabaab ayaa lagu wadaa in lagu wareejiyo hay’adda nabadsugidda Qaranka, iyadoo la keenayo Muqdisho, waxaana uu noqonayaa kii labaad oo ka tirsanaan jiray Al-shabaab oo gacanta loosoo geliyo nabadsugidda 2014-ka.
Continue reading

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo duqemo cirka ka fuliyay deegaan ku dhow degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe Soomaaliya.

Diyaarad  dagaal Duuliye la'aan ahDuqeymo cirka ah ayaa Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyay deegaan ku dhow degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kaasoo ah mid ay gabi ahaantiis gacnta ku hayso Al-shabaab.
Continue reading

Magaalada Bern ee dalka Switzerland oo lagu soo Bandhigay Saacadda Ugu Weyn Caalamka.

Sacadda ugu weynDalkan Switzerland ayaa waxaa sanad kasta dhammaadkiisa la soo bandhigaa dhacdooyinka ugu waaweynaa, ugana muhiimsanaa, sidaas darteed waxaa la soo bandhigay Saacadda ugu weyn shirkaddaTareenada Swiiska ee markii magaceeda la soo gaabiyo loogu yeero SBB.
Continue reading

26ka Dizember waa habeenkii ugu Qabowbana ee Sanadka 2014ka.

Qaboow.jpg1Habeenkii Bisha Dizember ay ahay 26ka ee Sanadkan 2014ka ayaa la sheegay inay ahay habeenkii ugu qaboobanaa Sanadka heerka qabowga ee loo yaqaana (Termometer) ayaa magaalada Brévine ee Kanton Neuchâtel wuxuu gaaray ilaa -29 grad, qabowgaas ayaa waxaa lagu micneeyey kan ka dhaca Gobolka “Siberia svizzera” ee dalka Ruushka.

Sidoo kale magaalada Zürich ee Kanton Zürich ayaa iyaduna heerka Qabowga gaaray ilaa -16,6 Grad, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Xafiiska Mala-awaalka Hawada.
Continue reading

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta soo dhaweyn heer Sare ah loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada dalka Masar ee magaalada Qaahirla.

Somalia & Masar.jpg2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya udane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo dhaweyn heerkeedu sareeyo loogu sameeyay xarunta madaxtooyada dalka Masar ee magaalada Qaahira kadib markii casuumaad rasmi ah uu ku yimid dalkan.
Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta magaalada Qaahira kula kulmay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta

Jaamacadda Carabta.jpg2Madaxweynaha jamhuuriyadda fedaraalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada qaahira ee dalka masar ayaa la kulmay Xoghayaha guud ee jaamacada Carabta Nabiil Al Carabi iyagoo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo jaamacadda carabta maadaama ay xubin ka tahay iyo fulinta ballanqaadyo ay horay ururkaasi ugu sameeyeen dowladda federaalka ah.
Continue reading

Askartii Uganda looga dilay weerarkii Xalane oo Maydadkooda la geeyay Kampala.

Meydad AmisomWasiirka gaashaandhigga Uganda ayaa ku tilmaamay askarta maydadkooda dib loogu celiyay Kampala inay ka mid ahaayeen geesiyaashooda joogay Somalia, kuwaasoo lagu dilay weerar ay Al-shabaab ku qaaday xarunta AMISOM ee Soomaaliya xilli loo dabaal-dagayay ciidda masiixiga.
Continue reading

Ciidamada Xoogga Dalka Oo maanta La Wareegay Deegaanno Hoos yimaada Jalalaqsi.

ciidamada XDSCiidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta la wareegay deegaanno hoosyimaada Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo lagala wareegay argagaxisada Al Shabaab, iyadoo si weyn ay u soo dhaweeyeen shacabka, waxaana howlgalka Ciidamada ay weli ka wadaan gobolada shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.
Continue reading

Xaflad loogu dabaaldagayay sanad-guuradii 4-aad ee International Mother Association oo lagu qabtal London.

IMG_3321Xaflad loogu dabaaldagayay sanad-guuradii 4-aad ee International Mother Association oo ay madax u tahay Qaali Beerlula ayaa waxaa ay kadhacday magaalada London ee wadanka Ingiriiska. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA KALE Continue reading

Munaasabad lagu taageeray musharaxa madaxweynanimo ee gobolada dhexe Amb. Diinaari oo lagu qabtay London.

13Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay Amb. C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo isagu sheegay in uu isu soo taagayo doorashada xilka madaxweynanimada ee loo sameysayo Gobolada Dhexe ee Mudug & Galgaduud. HOOS KA DAAWO VIDEO & SAWIRRO Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud & wafdi uu hogaaminayo oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaaladda Qaahira.

Madaxweyne_qaahira1-500x334Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa gaaray magaaladda Qaahira kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalka Masar. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA KALE Continue reading

Wofdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo galabta u amababaxay waddanka Masar.

Madaxweynaha oo u dhoofay.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u amababaxay waddanka Masar, halkaas oo uu kula soo kulmi doono dhiggiisa dalkaasi kaddib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalkaasi Masar.
Continue reading

OGEYSIIS MUHIIM AH. (FURSAD SHAQO WERIYE-NIMO)

SomaliSwiss Media, Waxay ogeysiinaysaa oo ugu bishaarey naysaa Dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Muqdisho, Beledweyn, Baydhabo, Boosaaso,  Boorame, Burco, Garoowe, Hargeysa iyo Kismaayo in ay u hayso fursado shaqo Weriye nimo ee magaaloyinka aan kor ku soo xusnay magacyadooda iyo meelaha u dhow ama hoos taga. HOOS AKHRI SHURUDAHA. Continue reading

Xildhibaanada Barlamaanka oo maanta ka dooday Miisaaniyadda Sanadka 2015-ka

Barlamaanka Soomaaliya.JPG5Kulanka ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho mudaniyaasha Barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa shir gudoominaayay guddmooiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana warbixin laga dhegeystay guddiga Maaliyadda ee Barlamaanka Soomaaliya oo gacanta ku haya Miisaaniyadda sanadka 2015-ka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maalliyadda Soomaaliya.
Continue reading

Ra’isulwasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo maanta kormeer ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

R. Cumar.jpeg2Ra’isulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid oo ay wehliyaan Sii-hayaha Xilka Wasiirka Gaashaandhigga iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana uu ka qeybgalay munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda,Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi( Indha-Qarshe) iyo saraakiiisha qeybaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa munaasabaddaasi.
Continue reading

Dowladda Kenya oo Codsatay in loo soo wareejiyo Zakariye iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Codsigaas diidday.

KenyaDowladda Kenya ayaa la sheegay inay ka dalbatay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo in ay kusoo wareejiyaan Zakariye Ismaaciil oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Al-shabaab oo shalay isku soo dhiibay dowladda, iyadoo saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ay diideeen codsigaas.
Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay ka qeybgalay Munaasabad lagu soo dhaweynayey R/wasaare Cumar C/Rashiid.

Xaflad Muqdisho.jpg8Waxaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho Munasabad balaaran oo lagu soo dhaweeynayay R/wasaaraha cusub islamarkaana uu ka qeybgalay madaxweynaha jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa.
Continue reading

Xarakada Al-shabaab oo Shaaca ka qaaday in Ninka la yiraahda Zakariye Ismaaciil uu laba sano ka hor ka Goostay Xarakada.

al-shabaab.jpg4Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa sheegtay in Zakariye Ismaaciil oo shalay isku soo dhiibay ciidamada dowladda uu muddo laba sano ka hor ah ka goostay.
Continue reading

Wadada Bahnhofstrasse ee magaalada Zürich oo ka mid noqotay waddooyinka ugu Casriyeysan, ugana qiimo badan Caalamka.

BahnhofstrasseWadada Bahnhofstrasse ee magaalada Zürich ee wadanka Switzerland ayaa si aad ah loo iftiimiyey feestooyinka Masiixiga ee Sanadkan 2014ka iyo Feestada sanadka cusub ee 2015ka.

Wadadan ayaa ah wado ka soo billaabmayso Bahnhofka weyn ee maagaalada Zürich, waxayna ku dhamaataa Balliga biya-fadhiisiga, dhirirka wadan ayaa ah 1,4 Kiiloometer.
Continue reading

Hey’adda nabadsugidda oo war- saxaafadeed ka soo saartay weerarkii Xarakada Al-shabaab Xalane.

taliyahaHay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay weerarkii argagixiso ee dhagar qabayaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
Continue reading

Heshiis nabadeed oo ay gaareen beelo ku dagaalamay gobolka Hiiraan.

???????????????????????????????Kadib baaqyo is daba joog ah oo mudooyinkii la soo dhaafay ka imaanayay Dowladda Soomaaliya Ugaas yada dhaqanka  iyo qeeybaha Bulshada Soomaaliyeed kaas oo ku aadanaa Hashiis laga gaaro Dagaal Beeleedyo u dhaxeeya dad walaalo ah oo ku dagaalamayay Deegaanada Deefoow  Jeereey iyo Kabxanleey ee gobalkan Hiiraan ayaa maanta kulan dib u heshiisiin ah ku yeeshay Xarunta Maamulka Gobalkan Hiiraan. (SAWIRRO) Continue reading

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Astaanta al-shabaabSaraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo ku sugan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku hayaaan horjooge Zakariye Maxamuud iyo nin xogheyn u ahaa sida uu radio Muqdisho u sheegay Sheekh Isaaq Xuseen Mursal oo saraakiisha Ciidanka Soomaaliya kamid ah.
Continue reading

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya oo Gaaray Kismaayo.

Shariif-XasanWafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo. Continue reading

Afhayeenka guud ee ciidamada AMISOM oo loo magacaabay Mr. Elwa Yaaw.

AMISOM.jpg6War-saxaafadeed ksoo baxay Hoggaanka Sare ee Ciidamada AMISOM ayaa lagu shaaciyay in Col. Cali Aadan Xamuud shaqadii laga fadhiisiyey, isagoo oo afhayeen u ahaa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM muddo laba sano ah. Colonel-ku ayaa ka mid ah Ciidamada dalka Jabuuti ooka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.
Continue reading

%d bloggers like this: