Cudurka Indhaha ku dhaca oo si aad ah ugu faafay dadka ku dhaqan G/Banaadir.

Indho.jpg1Cudurka Indhaha ku dhaca ee loo yaqaano Daafka ayaa lagu soo warramayaa inuu si aad ah ugu faafay dadka ku dhaqan G/Banaadir Cudurka oo ku dhaca Indhaha, kana mida cudurrada faafa ayaa ka dillaacay magaalada Muqdisho.

Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye oo ka mid ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo wareeysi siiyay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa ka hadlay xanuunka ku dhaca Indhaha bani’aadamka ee Daafka, iyo waxyaabaha keena.

Sidoo kale Dr. Cali Baashi ayaa tilmaamay in cudurkani ka mid yahay cudurrada ku dhaca indhaha waliba qeybta cad , waxaana keena ayuu yiri jeermis la kala qaado, isagoo xusay in cuidurkani uu si deg deg ah maalmo gudahood ugu baaho magaalada oo dhan.

Dr. Cali Baashi oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: ā€Waa cudur ley qaadsiiyo, waxaana laga yaabaa in qof ka mid ah qoyska haddii uu cudrkaas banaanka ka keeno uu markiiba wada gaaro qoyska oo dhan”.

Dhaqtarka ayaa sheegay in cudurkan lagu kala qaado taabashada, isagoo tibaabaxy in haddii aad taabato qof qaba cudurka oo indhaha mar maray islamarkaana farihiisu leeyihiin dheecaan uu markaa kugu dhacayo, wuxuuse meesha ka saaray in lagu kala qaado dabeeysha iyo eegmada.

Si kasta ha ahaatee Cudurka Daafka ayaa hadda fara ba’an ku haya bulshada ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo uu cudurkani ka dilaaco magaalada sanadkiiba mar.

SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā  Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: