Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Talyaaniga.

Wasiirka A. Dibadda Somalia.jpg3Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle oo booqasho ku jooga magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa xalay la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Paolo Gentiloni, kaasoo ay kaga hadleen arimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dublamaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa taageerada ay Talyaanigu uu siiyo Somalia. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE.

Wasiir ku xigeenka A. Dibadda.jpg4Wasiirku ayaa maanta oo jimco ah magaalada Rome uga qaybgalay shir heer caalami ah oo diiradda lagu saarayay sidii loo xakameyn lahaa khatarta soo wajaheysa muhaajiriinta soo galootiga ah ee ka imaanaya dalal ka mid ah qaaradda Afrika; kuwaasoo doonaya inay Yurub soo galaan; iyagoo soo maraya badda Mediterranean-ka; kaddibna soo galaya Yurub xeebaha dalka Talyaaniga waxaana shirkaasi soo qaban-qaabiyay ururka Midowga Yurub.

Sidoo kale, wasiirka oo uu wehliyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa si wadajir ah uga qayb-galay shirkaas ka furmay magaalada Rome; waxaana la filayaa in wasiirka uu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga ku nool.

Wasiirka A. Dibadda Somalia.jpg2Wasiirka A. Dibadda Somalia.jpg1SomaliSwiss Roma
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: