Xildhibaanno ka codsaday Ra’iisul Wasaare C/weli inuu Is-casilo, inta aan la gaarin maalinta Axadda ah.

???????????????????????????????Xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah RW Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa ra’iisul wasaaraha ka dalbaday inuu xilka ka dago maalinta Axadda ah ka hor, taasoo ay sheegeen inay tahay midda keliya ee soo afjari karta khilaafka taagan. HOOS KA DHAGEYSO

Mudanayaashan ayaa waxay ka hadleen go’aankii guddoonka baarlamaanka Somalia ay ku joojiyay mooshinka iyo xildhibaannada fowdada ka sameeyay dhismaha xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Kulan ay xildhibaannadan ku yeesheen Muqdisho ayay ka sheegeen inaysan ogolaan karin in xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ay xadugudbyo kala duwan ka geystaan gudaha baarlamaanka, maadaama ay yihiin xubno loo idmaday inay ilaaliyaan sharciga dalka.

“Xildhibaanno tiro yar inay fowdo ka sameeyaan kulammada baarlamaanka ma ahan mid la ogolaan karin, sidoo kalena waa wax nasiib-darro ah inay xildhibaanno loo idmaday fowdo iyo qas ka sameeyaan baarlamaanka sida inay jeex-jeexaan buuggii xaadirinta xildhibaannada,” ayuu yiri xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo warbaahinta u akhrinayay qodobbadii ay soo saareen.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay ugu baaqeen ra’iisul wasaaraha inuu xilka iska-casilo, maadaama uu lumiyay kalsoonida baarlamaanka Soomaaliya oo markii horeba kalsoonida siiyay.

Ugu dambeyn, xildhibaannadu waxay ra’iisul wasaare C/weli ku eedeeyeen inuu si kale u turjumay war-murtiyedkii kasoo baxay guddoona sare ee golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalka xildhibaannadan ayaa imaanaya iyadoo guddoonka baarlamaanku ay go’aanno ay soo saareen maalin ka hor ku sheegeen inaan lasii wadi karin mooshink ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha, kaasoo ay ku sheegeen inuu buuq iyo fowdo ka dhex abuuray baarlamaanka.

SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: