Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in baaritaan uu ku socdo xubno ka tirsan dowladda oo loo haysto dacwad laxiriirta dhoofinta dhuxusha.hadalkaan ayuu sheegay xilli xafiiskiisa uu ku la hadlay warbaahinta Qaranka.
Mudane Axmad Cali daahir Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ka hadlay Arrinta dhoofinta dhuxusha uu horay Amar uga soo saaray Madax weynaha jamhuuriyadda Soomaaliya,kaasi oo ahaa in talaabo laga qaadi doono cidii lagu helaa falkaas
Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in isaga iyo xubno kale ay u tageen degmada Baraawe in ay wax ka ogaadaan mas’uuliyin ka tirsan dowladda oo la sheegay in Baraawe ay ka dhoofiyeen dhuxul sharci darro ah.
“Baaritaan ayaan u baxnay aniga iyo xubno kale oo ila socday waxaan soo ogaanay in degmada Baraawe laga dhoofiyay dhuxul,waxaa noo suurto gashay in gacanta aan ku soo dhigno dadkaasi sida sharci darrada ah dhuxusha u dhoofinayay, hadda way xiranyihiin waxaana si dhab ah loo baarayaan dacwadaha loo haysto” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in Sanadka Cusub ay xafiisyada Xeer ilaalinta laga furi doono Toban Gobol oo ka tirsan Gobolada dalka wuxuuna tilmaamay in la meel mariyay sharciyadii ay ku shaqayn lahayeen taas oo uu uga Mahad celiyay madaxda dowladda.
Ugu dambeyn Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Mudane Axmad Cali Daahir oo ka hadlay Arrimo badan ayaa sheegay in Sanad kaan ay dhamaystiri doonaan Nidaamka uu ku shaqayn doono xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.